Qaabkii ay u dhacday Doorashadii Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Gal Mudug Loona Doortay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle DAAWO
Caddaado 03. May 2017 (SDN/QJ):-Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Doorashadii ka socotay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa waxaa ku guulaystay xilka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) kadib markii uu ka guulaystay Musharaxii uu la tartamaayay.
Xaaf, ayaa wuxuu la tartamaayay Axmed Cali Hilowle, wuxuuna helay codad gaadhaya 54, halka musharaxii uu la tartamaayay uu helay 34 cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada, iyadoo uu sheegay Madaxweynaha Galmudug inuu yahay Xaaf.
Magaalada Cadaado, waxaa ka dhaceysa rasaas ay ridayaan taageerayaasha Xaaf oo u dabaaldegaya guusha uu xaaf Doorashada ka gaadhay.
Baarlamaanka Galmudug ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xildhibaanada codeynaayay, ayaa tiradooda waxa ay gaadheysaa 89 Xildhibaan.