|

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Buuhoodle La Soo Galay Ciidamo, Waxqabadka Uu Sheegtay Inay Halkaa Ka Fuliyeen Iyo Eedaha Uu Somaliland U Jeediyey

Buuhoodle  03. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Camay oo doraad Safar ku tagay Magaalada Buuhoodle ee bariga Somaliland, ayaa ku dooday in Dawladda Somaliland wax muuqda ka qabanin baahiyaha ka jira Halkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Ciidamo badan la soo galay Buuhoodle, ayaa halkaa si aad ah loogu soo dhaweeyay, waxaanu khudbad uu u jeediyey Dadweynaha ku sheegay in Maamulka Puntland ay Buuhoodle ka joogaan 13 Kooxood oo Gurmadka Caafimaadka ah, 3 Gaadiidka Gurmadka Deg-degga ah, sidoo kalena Wakhti xaadirkana sidaan Raashin ku filan kun Qoys iyo Daawooyin.

Eng. Camey oo hadalkiisa ka dib la waydiiyey waxa uu ka odhanayo hadal uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku sheegay in aanay Puntland door ku lahayn Gurmadka Dadka Xanuunka Shuban-biyoodku ku soo ritay Buuhoodle iyo deegaannada ku teedsan, “Waxa la yidhi Nin baa Hal lahaa, markaasuu ku darsaday Nin lahaa Boqol Neef oo Geel ah, markaasuu kula murmay, Arrintu armay u egtahay taa. Annaga waxa halkan naga jooga 13 Kooxood oo Caafimaadka ah, Berina waxa soo baxaa laba Kooxood oo Dhakhaatiir ah, waxa kale oo naga jooga 3 Gaadiidka Gurmadka Deg-degga ah. Maantana waxaanu sidnaa Raashin ku filan Kun Qoys iyo Daawooyin. Markaa Nin aan waxba keenin hadduu yidhaahdo Puntland waxba ma qabanin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Dawladda Federaalka Soomaaliya, “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaan leeyahay Calanka ka ba’banaya (Buuhoodle) Dad badan baa lagu laayey oo Bee’bee lagu jiidhsiiyey, malaha Dawladda Federaalku maba oga in Gobolka Buuhoodle ka mid yahay inta ay xukunka, haddii aanay ogayn kitaab ha soo qaataan waanu dhaaranaynaa inay ka mid yihiine”

Comments are closed