|

Dalka Eritrea oo Marti Geliyey Isla Markaana Saldhig Mileteri u Ogolaaday Dawladii Sadexaad ee Waddamada Carabta

Asmara 03. May 2017 (SDN/QJ):-Masar ayaa saldhig Milatari ka sameysaneysa dalka Eritrea ka dib markii uu heshiis arintaas dhexmaray labada dale e Masar iyo Eritrea.

Saldhiggan ayaa dowlada Masar waxaa laga siiyay degaanka Nora, oo ka tirsan Jasiiradda yar ee Dahlak, halkaasoo Masar ay qorsheyneyso inay dejiso 20,000 oo askari.

 

Asmara iyo Qaahira ayaa isku fahmay muddada ay Masar degganaaneyso Saldhiggaas iyadoo ay labaduba diblomaasi ahaan iyo Joqraafi ahaanba isugu dhacsanyihiin dowladda Itoobiya.

 

Dowladda Masar ayaa isku dayday iney saldhigan ka hesho meel ka mid ah Soomaaliya laakiin taas waxaa diidday Dowladda Soomaaliya.

 

Masar ayaa noqotay dalkii saddexaad ee Carbeed oo Saldhig ciidan ka sameysta Bariga Afrika,waxaana ka horreeyay Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Soomaaliya iyo Eritrea saldhigyo Ciidan ka sameysanaya.

 

Sarkaal ka tirsan Xisbiga Talada haya ee Itoobiya ayaa sheegay in Xukuumadda Qaahira ay waligeed ku howllaneyd inay saldhig ciidan ka hesho Bariga Afrika, si ay ciidan u caga jugleeya Itoobiya u keento Gobolka.

 

Eritrea ayaa waxaa Itoobiya kala dhexeeya khilaaf ku saabsan xadka, kaasoo sababay dagaalo lagu hoobtay oo dhexmaray labada dal, iyadoo dhinaca kale Masar iyo Itoobiya ay ku muransan yihiin saami wadaagga Biyaha Wabiga Niil oo 70% ay Masar ku tiirsan tahay.

Comments are closed