|

Xog Waran Xiiso Badan leh oo Mulkiilaha Dugsiyada Nuura Diin uu Ku Sharaxay Bilowgii Iskuuladiisa Iyo Caqabadihii ka Hor Yimid !!!

Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Waa Shakhsi Tusaale Wanaagsan u ah Sooyaalkii Taxane Taariikheed & Budhigii Waxbarasho Ee Lagu Yagleelay dalka Xili Markaas uun laga soo doogay Colaado Sannado qaatay oo ay Somaliland la gashay Taliskii Siyaad bare.

Waxa uu ka Mid noqday Macalimiintii Suurtogeliyey in Dhallinyaradu ay helaan goobo ay wax ku bartaan gaar ahaan Luuqada Englishka waxa ka soo aflaxay arday tiro badan oo qaarkood ay maanta nolosha meel fiican ka gaadheen,Qofka aynu ka hadlaynaa Waa Mahad Ibraahin Maxamed oo ah Mulkiilaha iyo Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuura diin oo ka furan Caasimadda Somaliland ee hargaysa.

Waxa uu Mahad Ibraahin Xogwaran dhinacyo badan leh siiyay barnaamijka baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii Tegay ee uu soo agaasimo aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.

Mahad Ibraahin Wuxuu ugu horayn ka Jawaabay Sannadkii uu dhashay iyo Goobtii uu ku dhashay Waxaanu yidhi ‘’Waxaan ku dhashay Magaaladda Burco Taariikhdu Markay ahayd 03. January 1970-kii’.

Waxaa kale oo uu Mahad Sharaxaad ka bixiyey Meelihii uu ku soo qaatay waxbarashadiisii kala duwanayd isagoo yidhi ‘’ Waxbarashadaydii Malcaamada ilaa heerarkii kala duwanaa ee Dugsiyada waxaan ku soo qaatay isla magaalada burco oo ila gaadhay markii ay dhaceen dagaalkii 1988-kii Markii danbe aniga ayaa sameeyay inaan Wax is baro Waxaan galay Jaamacada la yidhaa Jaamacatu Culuum al Tiknoolajiya oo Yemen ku taala Waxaan filayaa inaan ahay qofkii Kowaad ee hargaysa degenaa ee jaamacadaas degree  ka diyaariya, Waxaan dhiganayay oo kale Iskuul caan ah oo la Yidhaa ICS ( International Course boarding Schools) oo Maraykanka Ku yaala Xiligaas aan dhigan Jiray waa 1998kii Waxaa Kutubta la ii soo dhigi jiray nin aanu isku qoys nahay oo Jig Jiga deganaa, Waxaan isna ka qaatay Diploma Sidoo kale Dugsi Ingiriiska ku yaala Ayaan isna dhigan jiray oo la odhan jiray CBM Waxaan ka qaatay Group Diploma anoo ku takhasusay habka Maamulka Waxaanan Markii danbe Jaamacada Culuum Al Tiknoolajiya Ayaan hadana ka Diyaariyey Shahaadada Master  oo aan ku qaatay Hogaaminta iyo maamulka, Sidoo kale waxaan diyaariyey Degree aan ku qaatay Maamulka Tacliinta iyo Maareynteeda dhamaan qaabka aan Shahaadooyinkaas ku diyaariyey waxay ahaayeen Qaabka waxbarasho ee lagu magacaabo Tacliinta fogaanta lagu barto ‘’

Mahad Ibraahin Maxamed waxaa Kale oo uu Iftiimiyey Wakhtigii ay ku soo dhacday inuu Furo Dugsiga Nuura Diin ee uu Maamulaha Guud iyo Mulkiilahaba ka Yahay Waxaanu Yidhi ‘’Weligay Shaqo kale oo aan Macallinimo ahayn maan qaban Dugsigan waxaan bilowgiisii ka Furnay Magaaladda Burco oo ahayd halkii aan ku dhashay aniga iyo Nin kale oo Sucuudiga ka yimid oo aan Filayo inuu hada Burco Joogo ardaydii Ayaan Waraaqo u qaybinay aanu ku nidhi Iskuulkaas aynu furnay Magac u bixiya Waxaan Jeclaa inuu Magacaasi noqdo mid ka Turjuma Diinta, Dhaqanka Iyo Tacliinta Waddanka oo uu Iftiin u Noqdo Nasiib Wanaag Mid ka Mid ahayd Hablihii aanu Iskuulka wax ka baranayay ayaa soo Qortay Magaca Nuur Al Diin halkaas ayuu Magacu ka Yimid Xiligu wuxuu ahaa in yar kadib markii aynu waddanka ku soo noqonay Sannadkuna wuxuu ahaa 1993kii,Markii danbe hargaysa Ayaan u soo wareegay oo Iskuulka ka furay 1995kii Bishii 8aad oo Qol yar oo Cidla ah aan fasalkii ugu horeeyay ku bilaabay iyadoo ardaydii aan ku furay ay dhamayd 8 arday’’

Geesta Kale Wuxuu Mahad ka hadlay Carqaladihii ka Hor yimid Markii uu Dugsigan Furay waxaanu Yidhi ‘’ Carqaladuhu way badnaayeen Waxaana Tusaale kuu ah Dalkii oo Burbursanaa,Dadkii oo Qaxoonti ka soo Noqonayay in hadana Goob waxbarasho la yagleelo iyadaaba Hal Xidhaale Culus ahayd, Waxaa Kale oo Carqaladahaas ka mid ahaa Markii aan Iskuulka ka Bilownay Magaaladda Burco Aniga iyo Nin aanu Saaxiib ahayn oo Sheekh Siciid la yidhaa ayaa Waxaa nagu dhacay dagaal Wuxuu dagaalkaasi keenay in anaga iyo ardaydiiba uu na kala Firdhiyo anigu Waxaan markaas u soo Kicitimay Magaaladda hargaysa oo ehelkaygu deganaa hadana markii aan Hargaysa ka bilaabay ayaa isla dagaaladii halkan (Hargaysa) ka bilaabmeen Midhadhkaas Ayaan ka soo qaadanayaa Caqabadaha’’

Mahad Ibraahin Waxaa kale oo uu ka hadlay Dugsiyada Nuura Diin iyo Sida ay u qaybsan Yihiin waxaanu Yidhi ‘’ Horta Dugsiyada Nuura Diin Hargaysa ayay ka furan yihiin oo Gobolada kama jiraan Waxay u qaybsan yihiin Dugsiyada Barbaarinta Caruurta ilaa Dugsiga 12aad ee Dugsiyada Sare inkasta oo aanaan Jaamacad lahayn Sidoo Kale waxaan leenahay Iskuulo Lagu barto Luuqadaha iyo Culuunta IT-ga (Information Technology) Markaas guud ahaan waxay ka Kooban yihiin Sadex dugsi Sare,Iyo Lix Dugsi oo hoose dhexe Marka Xitaa lagu daro ka xannaanada waxay isku noqonayaan 9 School,Sidoo kale waxaan leenahay Meel Madbacad ah oo Kutubta ardayda loogu daabaco’’

Mahad Ibraahin Maxamed Mulkiilaha iyo Maamulaha Guud ee Dugsiyadda Nuura Diin waxaa Kale oo uu Xogwarankaas ku faahfaahiyey Himilooyinka u qorshaysan Wakhtiyada fog iyo ka dhow intaba.

Comments are closed