|

Gudoomiyihii Telefishanka Gem TV oo Mucaarid Ku ahaa Waddanka Iran oo Lagu Dhex Khaarajiyey Magaaladda Istanbul ee Turkiga

IstanbulĀ 03. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyihii Telefishanka Gem TV oo wararka ku baahiyada af-berishiyanka ee lagaga hadlo Iran isla markaana ahaa gudoomiyaha shirkadda TV-ga maamusha ayaa lagu dilay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Saciid Karimian waxa lagu toogtay xaafadda Maslak isaga iyo nin ay shuraako ganacsi ahaayeen oo isna u dhashay dalka Kuwait oo ay markaa wada socdeen. Labada ninba goobtii ayay ku dhinteen.

Gaari loo malaynayo in uu yahay kii ay wateen dableydii nimkaa dishay ayaa mar dambe la helay isago la gubay, booliska Turkiga ayaana haatan baadhaya.

Karimian ayaa hore maxkamad Tehran ku taallaa xukun ugu ridday isagoo dalka ka maqan waxa ayna ku xukuntay lix sanadood oo xadhig ah, eedda loo haystayna waxa ay ahayd in uu baahiyo borobagaando lid ku ah Iran.

Gem TV wuxu af-beershiyaan u turjumaa barnaamijyo shisheeye iyo kuwa reer galbeedka oo uu u baahiyo dadka reer Iran.

Comments are closed