Maanta Waxay Dunnidu u dhowdahay inuu Dagaal Nukliyeer ka Qarxo,Hadaba Hadii uu Dhaco Halkee ugu Haboon inaad Gaboodsato?
New York 01. May 2017 (SDN/QJ):- Toddobaadadii u dambeeyey waxaa si xawli ah kor ugu sii kacaya xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya dawladaha Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi, waxaa hore u jiray xiisadda kulul ee muddada dheer u dhexeysay Ruushka iyo Maraykanka oo aad u sii kululaatay markii dhowaan uu Maraykanku weerarro gantaalaha Tomahawk ah ku burburiyey saldhigga Shucayraat oo ay lahaayeen ciidamada Cirka ee Taliska Suuriya, waxaa iyaduna dareen colaadeed dunida oo dhan geliyey madfacii ‘Hooyada Bambooyinka’ ee culayskiisu 10 kun ee kiiloogaraam ahaa, ee uu Maraykanku ku dhuftay ururka DAACISH qaybtiisa Afgaanistaan.
Marka la isku soo ururiyo waxaa maalmahan soo kordhaya dareennada dhalinaya in dunidu isa soo beddelayso, Kuuriyada woqooyi waxa ay samaysay tijaabooyin hubka Nukliyeerka ah, kuwaas oo kii shanaad ee ugu weynaa uu dhacay bishii Sabtembar 2016-kii. Wasiirka difaaca ee Maraykanka William Berry waxa uu dhowaan sheegay in khatarta ah isticmaalka hubka Nukliyeerku ay maantaa ugu badan tahay, oo xitaa cabsidu ay ka bdan tahay tii jirtay Toddobaatanaadkii iyo Siddeetamaadkii markii Midowga Soofiyati iyo Maraykanka loollankoodu halka ugu sarraysa marayey. Waxaa iyaduna cabsida isticmaalka Nukliyeerka laga qabo sii badisay doorashadii u qaadan waaga ahayd ee uu Trump ku soo baxay madaxweynimada Maraykanka, taas oo dad badan ku abuurtay warwar ah in aanay 7 kun oo madaxyada Nukliyeerka ah oo uu Maraykanku leeyahay aanay ku jirin gacmo aamin ah. Marka la eego sida uu madaxweyne Trump ugu heelan yahay in uu cudud milateri ku xalliyo dhibaatooyin badan oo dunida ka jira.
Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay shabakadda Al-Carabiya ku eegaysaa goobo la sheegay in ay noqon karaa gabbood nafta lagu badbaadiyo haddii dagaal Nukliyeer ahi qarxo.
Gabboodka dadka maalqabeenka ah:
Waxaa muuqada in dadka Ruushka ahi ay ku qanacsan yihiin in dagaal weyne saddexaad uu dunida ku soo fool leeyahay, sidaa awgeed shirkado dalkaas ah ayaa bilaabay in ay dhisaan gabboodyo kala duwan oo ay dhigayaan dhammaan baahiyaha aasaasiga ah ee qofku aanu maalintii nolol maalmeedkiisa uga maarmin. Gabboodyadaas ayaa suuq xaammi ah ka helay maalqabeenka dalkaas, oo inta ay iibsadaan u dhiganaya in ay galaan haddiiba uu dhaco dagaal Nukliyeer la isu adeegsanayo.
Gabboodyadan oo si aad u heer sarraysa loo dhisay ayaa lagu tilmaamaa gabboodyada Nukliyeerka ee maalqabeenka. Laakiin weli shirkadaha dhisaya gabboodyadani kama ay jawaabin su’aasha ah, waxa ay noloshu macno u yeelan karo dadyoga tirada yar ee maalqabeenka ah, haddiiba ay dhacdo in ay kelidood ka badbaadaan Nukliyeerka oo dunida ku xeeran ee kale uu rogo.
Antarctica (Antaraktika) iyo Perth:
Waa qaaradda koonfur ugu xigta adduunka ee lagu magacaabo Cidhifka Koonfureed ee dhulka, qaaraddan oo ah dhul aad u ballaadhan oo baraf ah, ayaa boqolkiiba 98 dhulkeeda waxaa qariyey baraf leh dhumuc hoos u qodan 1.9 Kiiloomitir, sidaa awgeed waa qaaradda ugu qabow dunida. Antarctica oo ah qaaradda ugu dabaylaha badan dunida oo dhan, waxaa lagu tiriyaa dhulka lama degaanka ah, maadaama oo ay adag tahay nolosheeda. Roobabku dhif ayaa ay ku yihiin, qabowguna waxa uu hoos u gaadhaa -89 Digree, sidaa awgeed ma’ jiraan dad deegaan rasmi ah ka ah qaaraddan Antarctica, waxa se laga helaa dhir aad u yar, bakteeriya, iyo xayawaanno aan tiro badnayn oo ay ka mid yihiin shimbiro. Antarctica waxaa lagu maamulaa heshiis caalamiya oo ay saxeexeen 61 dawladeed, Qaramada Midoobeyna aqoonsatay.
Cilmibaadhis lagu sameeyey meelaha ugu fog in isbedellada cimiladu wax yeelleeyaan ama khatarta Nukliyeerka dunidu gaadho waxaa ka mid ah cidhifka koonfureed ee adduunka (Antarctica) iyo magaalada Perth oo ku taalla koonfurta dalka Ustareeliya.
Waxaa xusid mudan in Antarctica ay tahay halkii ugu horreysay ee sannadkii 1959kii uu ka dhacay heshiiskii ugu horreeyey ee la xidhiidha isticmaalka Nukliyeerka, kaas oo mamnuucayey in cidhifka koonfureed ee adduunka lagu rido, (Colaad iyo tijaabo labadaba) ama lagu isticmaalo nooc kasta oo hub ah. Magaalada Perth oo baadiye fog ku taalla ayaa ay iyadana khubaradu aaminsan yihiin in khatarta hubka nukliyeerku aanay hore u gaadhayn.