Dawlada Federaalka Somalia oo Shaacisay inay Siyaasad Cad Ka Soo Saarayso Ilaalinta Siraha Ciidanka
Muqdisho 01. May 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Federalka Somaliya, ayaa sheegtay siyaasad cad inay ka soo saareyso faafinta sirta ciidanka iyo xogaha u gaarka ah, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya.
C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Difaaca Somaliya, ayaa wuxuu sheegay Somaliya inay hadda ka soo kabaneyso marxalad bur bur ah, islamarkaana ay adag tahay wax kasta in nidaam wanaagsan loo yeelo.
Wuxuu sheegay Wasaaradda inay soo saareyso siyaasad cad oo lagu xakameynaayo faafinta Sirta ciidanka Xooga dalka Somaliya, intii muhiim ah oo bulshada lala wadaagi karana dowladda ay la wadaageyso.
“Dhibaatooyin badan ayaa dalka markii uu bur bur galo ka yimaado, kaliya ma’ahan inay bur burayaan guryaha, laakiin waxaa meesha ka baxaya dhaqankii dadka, nidaamkii iyo kala dambeyntii, marka ma inkirayno inay jirto arin noocaasi ah, laakiin Insha Allah siyaasad ayaan ka yeelan doonaa in arimahaasi aysan dhicin oo laga kaaftoomo, waxyaabaha banaanka la soo dhigaayo illaa xad wixii arimo Bulsho guud oo ciidankaasi xaq loogu leeyahay in Bulshada loo sheego, wixii kaloo ciidanka khuseeya inay noqdaan wax ciidanka u asturan.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya.
Wasiir C/rashiid ayaa dareemayaa inay jiraan shaqsiyaad dowladda, gaar ahaan talisyada ciidamada ka tirsan oo faafiya sirta ciidanka, iyadoo arimaha ciidanka iyo faafintooda ay tahay arin dambi qaran ah.
Somaliya oo soo martay marxalad kala duwan, ayaa hadda ku jirta xaaladaha dib u dhiska ciidanka Xooga dalka Somaliya iyo ka soo kabashadii bur burkii dalka ka dhacay.
Madaxweynaha Somaliya ayaa dhawaan iclaamiyay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, xilli ciidanka xooga dalka Somaliya aanan loo diyaarin qaadista hawlgal ka dhan ah Shabaab, iyadoo illaa xilligaan uusan jirin wax hawlgal ah oo ciidamada ay qaadeen.