Natiijada Su’aalo uu Macalin Weydiiyey Ardaydiisa
Hargaysa 01. May 2017 (SDN/QJ):- Markii uu Macalinku fasalka dugsiga hoose fasalka soo galay wuxuu ardayda caruurta ah weydiiyay su’aalo guud oo waxaanu yidhi : “Yaa garanaya shimbirka awoodi kara inuu dadka la sheekaysto oo magaciisu ka bilowda xarafka B”? Ardaygii gacanta taagay ayuu u ogolaaday inuu ka jawaabo. Waxaana Ardaygu yidhi waa “Shimbirka Babqaaga”. Macalinka waa sax. Ardayga ayuu magiicsa weydiiyay waxaana uu yidhi Axmed. Waxa kale oo uu weydiiyay muxuu aabaha ka shaqeeya . Ardayga aya ku jawaabay “ Waa dhakhtar”. Macalinka ayaa ardaydii ku yidhi “ Waa kuwaa ardaydii ay dhaleen Dhakhaatiirtu “Idinku waa inaad ku fikirtaan inaad dhakhtaro noqotaan si aad wiilkaasi oo kale u dhashaan. Waxaan uu ardayga ku yidhi “ Igu salaam Aabo, agtiisa igu xusuuso oo ii sheeg”.
Su’aal labaad ayuu weydiiyay “Waa maxay xaNatiijada-Su’aalo-guud Xayawaanka xamaaratada ka mid ah oo dushiisa qolof adagi difaac u tahay “? Arday ayaa farta taagay ka dibna ka jawaabay oo yidhi “ waa diinka”. Macalinka ayaa yidhi waa sax, maagacaa, Ardayga Caadil. Macalinka aabo muxuu ka sheqeeya “waa Injineer “. Ardaydii ayuu ku yidhi waad aragtaan ardaydii Injineerada, isku daya inaad noqtaan si aad u dhashaan wiilkaasi oo kale. Macalinka aabo igu salaan, agtiisna igu xusuuso oo ii sheeg.
Macalinka su’aal saddexaada ayuu weydiiyay “yaa garanaya Shimbirka labada baal leh ee haddana aan duulin”? Ardayga ayaa farta taagay oo u ogolaaday inuu ka jawaabo. Waxaana uu yidhi “shimbirkaasi waa Yaxaaska”. Macalinkii oo yaaban, ardaydiina way qosleen, Waxaan uu aradayga ku yidhi magaca? Ardayga Saalim. Muxuu aabaha qabtaa “ waa Dilaal”. Macalinka ayaa ku yidhi ‘Aabo salaam iga gaadhsii, waxba agtiisa ha igu xusin”. Wax-baro si aad u dhasho Carruur maskax badan oo aan ahayn Nacasyo maskax adag