|

Muuqaal Sir Ah Oo Laga Duubey Markii Ay Saaka Ciidamadu Jidh-Dilka U Geysteen Siyaasi Cabdillaahi Daamur

Hargaysa 29. April 2017 (SDN/QJ):-Iyada oo maanta Ciidamada Booliska Somaliland, ay xabsiga u taxaabeen Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na jidh dil xooggan u geystay xoghayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Aftax Siciid Jaambiir xili ay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ay u joogeen dhageysiga dacwadda siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa Jeelka weyn ee Hargeysa.

Muuqaal sir ah oo laga duubey markii ay ciidamadu jidh-dilka u geysanayeen Cabdillaahi Daamur,isla markaana ay xabbado kor u rideen ciidamadu.

Muuqaalkan ayaa waxaa ka muuqda in ciidamada Boolisku ay si juujuub ah gaadhiga Maxaabiista ugu tureen siyaasi Cabdillaahi Daamur halka Xoghaye Aftax oo isna garab-joogay loo geystay jidh dil aad u xooggan ka dib markii uu ciidamada weydiiyey sababta loo xidhaayo siyaasi Daamur, waxaana hada xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Comments are closed