|

“Dawladii Ay Ahayd In Ay Xal U Hesho Sixir-Bararku, Waxay Ku Mashquushay Sidii Ay Muuse Biixi U Soo Saari Lahaayeen, Reer Borama Waxaan Leeyahay, Waxaa Leedihiin Laba Murashax Ku Xigeen Iyo Murashax Madaxweyne Ee Kala Doorta ..,” DAAWO

Boorama 28. April 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay Wax ka qabasho la’aanta Sicir bararka.

Waxa uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka Dayriyey Xaaladda Nabadgalyo ee Somaliland Isagoo soo qaatay Dhacdooyin amniga dalka wax u dhimaya oo Maalmihii la soo dhaafay dalka ka dhacay Waxa kale oo Gudoomiye Faysal uu Ku dhaliilay Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne ee la rabay inay Nabadgalyada dalk sugaan inay daba yaacayaan Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed