“Waar Muusow Madaxweynihii Waan Ka Tagee Awoodiisa Ku Shaqayso, Waliba Carabka Waan Ka Dhawrayaa Oo Odhan Mayo Dagaalkii Sokeeye Adigaa Ridayee ” Hogaamiye Xirsi oo Madal Il Yartu is qabatay Kula Garnaqsaday Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO
Boorama 28. April 2017 (SDN/QJ):- Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qudbad uu ka jeediyey xaflada Furitaanka Kaadh Bixinta Cod Bixiyayasha ee Shalay Boorama ka dhacday Waxaanu kaga hadlay arimo badan isaga oo inta badan awooda saaray sidii uu ugu jawaabi Lahaa Murashax Muuse Biixi oo madasha fadhiyey.
Ugu horayn Xirsi Cali waxa uu ganafka ku dhuftay gudida Musdanbeedka ee Komishanka kabaysa waxaana uu sheegay in aanay raali ka ahayn Gudidaasi ka xisbi ahaan waxaana uu yidhi. “Musdanbeedka la sheegayo waxaan leenahay sharci maaha inta sharciga ah ayaa inagu filan Komishankana shaqadooda ha loo daayo markaa Musdanbedkan soo baxay uma baahnin”
Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ka jawaabaya Hadal Murashax Muuse Biixi ka soo yeedhay oo salka ku hayey in Xirsi ahaa ninkii ugu awooda badnaa xukuumadda maantana uu banaanka ka qaylinayo ayaa waxa uu kaga jawaabay. “Muuse waxa uu xusay wasiirkii ugu Awooda badnaa ayaa iminka dhawaaqayoo dee Awooda ilaahay baa bixiya waanan dafiraa Awooda laygu sheego oo maan lahayn manaan filayn aniga iyo Muuse isku Maderasad baanu ahaynee intayadii isku Mederasada ahayn in ay yidhaahdaan Madaxweynaha Powerkiisii ayey cid kale ku shaqaysanaysaa dadka kale ayaa nagu odan jiray”
Xirsi Cali isaga oo cadaynaya in kolba nin ku shaqaysto awooda Madaxweynaha waxa uu Muuse u soo jeediyey mar hadii uu isagu meesha ka tagay in uu ku shaqaysto awoodii Madaxweynaha ee uu ka tagay waxaana uu yidhi. ” Waar Muusow anigu Madaxweynihii ka tagayee Powerkii ku shaqayso Madaxweynahana yaan karaamada laga qaadin oo la odhanin awoodiisii ayey cid kale ku shaqaysanaysaa waxaan leeyahay waabu ku dhisayaa isagu dee Alle hakuu barakeeyee anigu ka tagay agtiisii laakiin awooda Madaxweynaha ayaa xukuma isagaan la shaqaynayey”
Xirsi Ugu danbayn waxa uu la nasiib dhigtay Muuse Biixi oo ay wasiiro ka soo noqdeen Xukuumadihii Cigaal iyo Siilaanyo isla markaana ay la soo shaqeeyeen Madaxweynayaal ay isku beel yihiin Nasiibka uu Xirsi Madasha kaga faanay ayaa isaga oo sharaxaya waxa uu yidhi. “Waanse kaa nasiib danahoo dee labadeena isku mederasadda ah dee kala wakhti ayeynu soo gaadhnay waxaad adigu soo gaadhay Madaxweynihii labaad ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sidaa ay anaga odayga nisu kaaya xejinayaan ayaad idinkuna cigaal beel ka soo wada jeedeen nasiibka ayaa nasiiyey in labadaa madaxweyne ee qaali ah la kala shaqayno raga waxba manaan dheerayn ee nasiibka ayaa na siiyey balse hadana anigu nasiibku waxa uu isiiyey inaan shansano iyo badh Madaxweynaha kala shaqeeyo Horumar oo ishaa macalin ah dee Muusow adiguna iimaanso hadii uu Nasiibku kuu siiyey waliba carabka waan ka dhawrayaa oo odhan mayo dagaalkii sokeeye adigaa ridayee waxaan leeyahay hadii nasiibku kuu siiyey wakhti dagaalkii sokeeye dhacayey oo aad labadii sano ku dhamaysatay nasiibkaaga iimaanso” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay Daahfurka Bilowga Bixinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha ee Gobolka Awdal.