|

‘’Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani Waxaan Leeyahay ka daaya Ummada Qabyaalada oo Barnaamij Ku hanta’’ Gudoomiyaha Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa 28. April 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Shacabka ku nool Gobolka Awdal iyo Salal Wuxuu ugu Baaqay inay Si waddaniyadi ku Jirto u qaataan Kaadhadhka Codbixiyeyaasha ee Laga daahfuray Magaaladda Boorama Isla Markaana Si rasmi ah Maalinta Beri oo sabti ah loo bilaabi doona qaybintooda.

Waxaa kale oo uu u soo Jeediyey Labada Xisbi ee Tartanku ka wada dhexeeyo ee Kulmiye iyo Waddani inay Ummada ku kasbadaan Barnaamij Waxqabad oo lagu doorto taas badalkeedana ay bulshada ka daayaan hadalada naxliga  ah ee sii kala fogaynaya.

Comments are closed