Hawlqabadka Hay’ada Caalamiga ah ee African Education Trust iyo Xogwaran uu Agaasimaheedu Ku faahfaahiyey Mashaariicda ay Fuliyaan
Hargaysa 28. April 2017 (SDN/QJ):- Xasan Axmed Ibraahin Wuxuu Ku magac dheer yahay Xasan Embassy waa Agaasimaha Guud ee Hay’ada African Education Trust oo Fadhigeedu yahay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Isla markaana ka shaqaysa horumarinta Waxbarashadda.
Xasan Embassy ayaa Xogwaran dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Baro oo Ku Dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo agaasimo aqoon yahay Rashiid Sulub Caalin Wuxuu ku faahfaahiyey Hawqabadka hay’adan iyo arrimo kale.
Ugu Horayn Xasan Axmed Ibraahin waxaa la weydiiyey waxay u taagan tahay Naanaysta Magaciisa ku ladhan ee Embassy Waxaanu ku Jawaabay ‘’ Horta Embassy Waa Safaarad inkasta oo Sigaarkana loo bixiyo,Markaas Safaaradii Maraykanka ee Ku ooli jirtay Muqdisho Ayaan buugaagta la akhristo ka soo qaadan jiray waana Wakhtigii aanu Iskuulada dhigan Jirnay Markaas Xiligii Siyaad bare Safaaradaha Ajaanibka iyo Xidhiidhka dawladu iskumay fiicnay,Dadka Safaaradaha Tag taga ee Buugaagta ka soo qaata Iyana lama Jeclayn,markaas maalin anigoo bug ka soo qaadanaya ayaa arday aanu wax wada dhigan Jirnay I aragtay waxay I weydiiyeen Waar Meesha Maxaad ka qabataa,miyaad la shaqaysaa Safaarada,Markaas waxaan dareensanaa inaan wax lagu kaftami karo aanay ahayn oo waan ka Xanaaqay Laakiin iyagu way igala hadhi waayeen Markaas Embassy-gu halkaas ayuu ka Yimid’’
Waxaa kale oo Xasan la weydiiyey Wakhtigii uu dhashay Iyo Halkii uu ku dhashay waxaanu ku hal celiyay ‘’Reerkayagu Waxay ahaayeen Reer Miyi Markaas waxaa la igu Yidhi waxaad ku dhalatay Meel la yidhaa Diinta oo Jig-Jiga u dhow Maalin dhawayd Ayaan soo arkay Laakiin CV-ga waxaa igu qoran inaan degmadda hargaysa ku dhashay 24-Kii Bishii June 1955-kii Ayaan dhashay Waxaan ku barbaaray hargaysa markii danbe Xamar Ayaan tegay oo Jaamacadii Lafoole ka galay Markaas noloshaydii barbaarineed waxay u dhaxaysay Hargaysa iyo Xamar’’
Xasan Axmed Ibraahin (Xasan Embassy) Waxaa kale oo uu ka hadlay Hay’ada AET ee uu Agaasimaha Guud ka yahay Hawlqabadkeeda ‘’Hay’adan Mudo 60 Sano laga joogo ayaa nin Ingiriis ahi ka aasaasay waddanka Uk, Ujeedada laga lahaana waxay ahayd in dadkii South African-ka ahaa ee Xornimada u halgamayay Markaas halgamayaal waaweyn oo Taariikh ku leh qaaradan Africa ayay ka bixin jirtay Kharashka ay wax ku dhiganayaan waxayna Sidaas ku soo Saartay rag badan oo markii danbe dalalkooda madax ka noqday,hawshaydu waxay u badan tahay waddamada Colaadaha ka soo baxaya ee Africa Waxyaabo badan Ayaan markaan Somaliland soo qaato aanu qabanaa Waxaan la shaqaynaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare,Waxaan soo qabanay in Markii aynu yeelanay Dugsiyada Sare Sidii loo heli lahaa Macallimiintii wax ka dhigi lahaa,Manhajkii ay raacayeen,Tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo,Samaynta Maktabado iyo Wixii la Mid ah,Laakiin hada arimahaas ma Samayno oo hay’ado kale ayaa qabta balse waxaan u wareegnay inaanu Imtixaanaadka kala Shaqayno 12-kii Sano ee u danbeeyay waxaan la shaqaynaynayn Xafiiska Imtixaanaadka qaranka oo ah Meel asturan Isla markaana Imtixaan lagu Samayn Karo,Sidoo Kale anagaa dejinay Manaahiijta Somaliland oo Mudo 8 Ilaa 9 Sano ah ayaanu ka soo shaqaynaynay,Dhinaca kale Mudo 20 Sano ah oo Hay’adani waddanka joogtay waxaa kale oo ay kaalin fiican ka qaadatay waxbarashada dadban ee Somaliland Kuwaas oo aanu ku caawino dadka danyarta ah Isla markaana aanu ku siino Xirfado ay noloshooda ku maareeyaan waxaan u Malaynayaa in Mudadaas ay ka aflaxeen hay’adan dad aan ka yarayn 120000 (Boqol Iyo Labaatan Kun) oo u badan dumarka danyarta ah ayaanu barnay inay waxna akhriyaan waxna qoraan’’
Dhinaca Kale Xasan Embassy Waa hal abuur tiriyay Suugaan kala duwan ha u bataan kuwo uu dhallinyaradda kaga wacyigelinayo aafada Tahriibta ee galaafata Nolosha da’yar tiro badan Waxa uu Sheegay in Aabihii,Abtigii iyo Walaaladiiba ay Gabyi Jireen Iyadoo ay la Dhasheen Xasan Embassy Marxuun Cismaan Aadan Askari Iyo Yuusuf Aadan oo ay Xaga hooyo ka walaalo ahaayeen.
Isagoo ka hadlaya Xaaladaha Tahriibka waxa uu Yidhi ‘’Maalin Ayaan arkay Guri dumar badani ku soo xoomeen waxaan mooday in Qof Geeriyooday Waxaan weydiiyey waxa dhacay waxaana la igu yidhi Wiilkii hebel ayaa Tahriibay Waan ka naxay maadaama Tahriibku aanu geerida waxba dhaamin,Waxa uu soo qaatay Tuducyo ku Jiray Gabay uu Markaas Tiriyey inkasta oo uu ka Cudur daartay in Qoraalkii aanu hada hayn Isla markaana aanu qaybsanayn Waxaana Tuducyadaasi odhanayaan
Inta Dooni Qori Mooday Loox
Daasad Iyo Caagag
Ee ay Dabayluhu rogeen
Eeg Lafaha Daadsan
Waxaa Kale oo Xasan Embassy uu sheegay in Nolosha Loo Tahriibayo ay dhaanta ta dalkeena taala waxaanu dhallinyarada ku booriyey inay maskaxdooda ka saaraan dhal dhalaanka dhalanteedka ah ee Nolosha Yurub Isagoo Guubaabadiisa ku Cabiray Tuducyadan oo ku Jira Maanso uu Tiriyey Waxaanu Yidhi.
Rog Rog oo Talo keen
Raaliyo Fiican Aroos
Oo Kaga Raysto tahriibta
Hadii uu yara raago
Risiqu Wuu iska yimaadaa
Rabigaa talo saaroo
Kaga rayso Tahriibta.
Waxaa Kale oo Xasan Embassy uu Xogwarankiisa ku sheegay inay Kaalin ka soo qaatay dhismihii nidaamka dawladeed ee Maanta Somaliland ka dhisan Isla markaana uu ka mid ahaa Shakhsiyaadkii Lagu bilaabay Kastamka Magaaladda Berbera Xili dalku uu ka soo doogayay dagaalo eheli ah.