Wadahadalkii u socday Ahlu suna iyo Maamul Goboleedka Galmudug oo fashil ku dhamaaday (Akhriso sababta)
Cadaado 28. April 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu fashil ku dhamaaday wadahadaladii ay kula jireen maamulka gobolada dhexe ee ahlu suna Waljameeca kuwaasoo la doonayey in lagu mideeyo labada dhinac.
Guddoomiyaha Guddiga wadahadalka Galmudug, ahna Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta maamulkas Cusmaan Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay iney sii wadanayaan arimahooda doorashada madaxweynaha maadaama wadahadalkii ahlu suna uu burburay.
Waxaa uu sheegay iney wax ka socon waayeen dhinaca ahlu suna oo uu xusay iney sabab u yihiin fashilka ku yimid wadahadalka, dowlada Somaliyana ay taas ka warqabto.
“Anagu niyad fiican iyo daacadnimo ayaan la tagnay wadahadalka balse ahlu suna shuruudo caqliga ka baxsan ayey la yimaadeen raisul wasaaraha dedaal badan ayuu sameeyey balse ahlu suna wey diiday wax ka yar in loo fuliyo shuruudaha ay wateen” ayuu yiri Cusmaan Maxamed.
Doorashada Madaxweynaha ahlu suna ayuu sheegay in la qaban doono 30-ka bishan dowlada Somalia ayuu sheegay iney garwaaqsan tahay in dhinaca ahlu suna ay waxba ka socon waayeen.
Ahlu suna ayaa la sheegay iney wadahadalka la tagtay shuruudo aad u adag oo ay ka mid yihiin in iyaga lagu biiro oo laga guuro magaca Galmudug, in wasiiro loogu daro dowlada federaalka, in la kala diro baarlamanka Galmudug lana sameeyo baarlaman cusub oo boqolkiiba lixdan iyaga la siiyo xildhibaanada iyo shuruudo kale.