Nin Reer Yurub Ah Oo Maraykanku diiday inuu Dalkooda Yimaado Kadib Markii uu Dhawr Jeer Muqdisho Booqday!!
Ireland 28. April 2017 (SDN/QJ):- Nin u dhashay waddanka Ireland ee qaaradda Yurub, ayaa loo diiday inuu galo dalka Maraykanka toddobaadkii hore, ka dib markii uu dhowr jeer booqday magaalada muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Madaxa Shirkadda Tiknoolajiyadda ee stripe Patric collison ayaa qoraal uu ku qoray twitter wuxuu ku sheegay in qof ka mid ah shaqaalihiisa su’aalo ay waydiiyeen saraakiisha socdaalka maraykanka, ka dib markii ay Passorkiisa ku arkeen shaabadda Dal-Ku-galka Soomaaliya
Wuxuu sheeegay in saraakiisha maraykanka ay waydiiyay su’aalo, isla-markaana ay cabsi galiyeen, “Waxay ii sheegeen in magacaygu uu u egyahay magacyo ay raadinayaan, ayna doonayaan inay ogaadaan inaan ahay iyo in kale dadka raadinayaa, qol cidhiidhiya ay i geeyeen, waxay igu yidhaahdeen cod-baahiye, kamarad iyo qalab kale oo sheegaya haddii aan wax qaraniyo” sidaas waxaa yidhi ninka reer Ireland ee la xidhay.
wuxuu sheegay in in saraakiisha maraykanku ay u sheegeen sababta ay u xidheen ay la xidhiidho in Soomaaliya ay ku jirto wadamada laga mamnuucay dadkooda inay soo galaan dalka Maraykanka.
Muwaadiniinta UK iyo Ireland waxaa loo ogolaa inay Fiiso la’aan dalka maraykanka u galaan, hase-yeeshee Sanadkii 2011ka ayaa maraykanku soo rogeen in muwaadinkii waddamadaas ka socda ee booqda wadamada Iiran, Liibiya iyo Soomaaliya uu u baahan yahay inuu soo dalbado Fiisaha dalka maraykanka.