Faransiiska: Maayar La Ganaaxay Markuu Hadal Cunsuriyad Ah Ka Sheegay Muslimiinta Dalkaasi
Beziers 28. April 2017 (SDN/QJ):- Nin Maayar ka ah magaalo ku taalla Dalka Faransiiska, ayaa lagu ganaaxay 2,000 oo Yuuro, in uu sheegay hadal nacayb ku salaysan awgeed, ka dib markii uu sheegay in carruurta Muslimiintu ay ku badan yihiin iskuulada deegaankiisa.
Robert Menard oo ah duqa magaalada Beziers oo ku taalla koonfurta dalka Faransiiska ayaa xulafo la ah xisbiga soogalooti diidka ee National Front.
Kawdii bishii Sebtembar ee 2016kii oo ahayd maalintii koobaad ee lagu noqonayay iskuullada Faransiiska ayuu Twitterkiisa ku soo qoray in uu markhaati ka yahay “dhalan rog baaxad leh”.
Hadalkaas kala qaybinta ah ayaa loo adeegsaday in lagu sharaxo eedaymaha ah in bulshadii Faransiiska ee Kiristaanka cad ahayd ay baddalayaan dad soogalooti ah.
Menard oo 5 Sebtembar waraysi siiyay telefiishinka LCI ayaa sheegay “in fasal ka mid ah iskuul ku yaalla badhtamaha magaaladiisa ay 91% carruurta dhigata yihiin Muslimiin, Arrintaasina waa dhibaato. Dulqaadku xad ayuu leeyahay.”
Shuruucda Faransiisku waxay mamnuucdaa in tiro-koob lagu sameeyo diinta ay dadku aaminsan yihiin iyo qawmiyadaha ay kala yihiin.
Menard ayaase hadalkiisa difaacay oo yidhi: “anigu xaaladda magaaladayda uunbaan sharaxaad ka bixiyay, qiimayna kuma samaynin qiyamka, waana xaqiiqo. Waana wax aan arko.”
Ganaaxa ka sokow maxkamadda magaaalada Paris waxay 1,000 Yuuroo u xukuntay kooxaha cunsuriyadda la dagaalama oo kiiskan maxkamadda keena si ay kharashaadkii ka baxay ugu adeegsadaan.
Menard ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono go’aankaas.