Dawladda Sweden Oo Loo Soo Dhoofiyo Qashinka Waddamada Dunida, Markii Uu Dhammaaday Qashinkii Dalkeedu !
Stockholm 28. April 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Dalka Sweden oo ka faa’iidaysata Qashinka yaalla Dalkeeda una adeegsata Dhinaca wax soo saarka Tamarta, taasoo dalkaasi ka dhigtay mid ka caagan qashinka noocyadiisa badan.
Sweden ayaa Dalal kale dib uga soo waaridatay qashin badan kadib markii uu qashinkii dalkeedu uu dhammaaday maadaama oo qashinka dalkeeda u adeegsato Samaynta qalab kala duwan oo la isticmaalo xilliyada uu jiro qabawgu.
Sidoo kale Dawladda Sweden waxay tallaabadan bilawday sanadkii 1975kii, xilligaasi oo ay ka faa’iidaysan jirtay 38% qashinka dalkeeda, balse sanadadan ugu danbeeyay waxay ka faa’iidaysata 99% oo ka mid ah qashinka ka soo baxa Dalkeeda arrintaasina waxay sababtay in qashinkii yaalla gudaha dalkeedu dhammaado mid kalena ay dalal kale ka keensato, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay qashinka ka soo saarto Dawlada Sweden Siidhka wax lagu beero iyo sidoo kale waraaqaha lagu soo saaro wargeysada ka soo baxa Dalkaasi oo dib looga dhigo waraaqo la isticmaali karo, waano tallaabo muujinaysa in qashinka aadka u badan ee maalin walba aynu gubno laga faa’iidaysan karo haddii lala yimaado caqli sax ah oo fikiraya.