Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo HABAAR Ku Sifeeyay Muddo-kordhin Mar Saddexaad Loo Sameeyo Xukuumadda, WADDANI-na Eedeeyay
Hargaysa 27. April 2017 (SDN/QJ):- Xisbul-Xaakimka KULMIYE, ayaa Xukuumadda ka difaacay eedaymo uu u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaasi oo Nuxurkoodu ahaa in Xukuumaddu aanay diyaar u ahayn bixiso Kharashka lagu qabanayo Doorashada Madaxtooyada, oo ay doonayso Muddo-kordhin mar Saddexaad loo sameeyo.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo daba socda hadalka Guddoomiye Cirro, wuxuu sheegay in Xisbiga WADDANI ee Xukuumadda eedeeyay in aanay Dalka Doorasho ka qabanayn, aanu Muddo-kordhin diid ahayn, ee uu Muddo-kordhin doonayo.
Jaamac-shabeel oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Doorasho Dambe oo dib u dhacdaa wa Habaar, Habaarkaa aad ka sheekaynaysaan isla hela ayaanu leenahay (WADDANI).”
Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) wuxuu Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI ka mid yahay ku eedeeyay inay iyagu ka masuul ahaayeen in Doorashadu dib u dhacdo, isagoo sheegay inay hore iskugu dayeen inay iska hor keenaan Xisbiga KULMIYE iyo Shacabka, “Markii horena idinkaa isku dayey inaad naga hor-keentaan Dadkii aanu wax siinaynay, oo naga dhigayey Niman aan u naxayn oo lahaa Abaar baa jirta, imikana waxaad leedihiin Lacag baa la bixin waayay, maxaa la bixiyaa, sowdinkii 8-da bilood Doorashada dib u dhigay, Abaartiina wax alaale iyo wax aad ku kordhisay ma jirto, Xaaladduna waa sidii ay ahayd uun.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Muddo-kordhin ay ka baqayaan ma jirto, ee Muddo-kordhin bay doonayaan, laakiin ma dhacayso Muddo-kordhin dambe, ILAAHAYNA waakaa Roobkii shubay, Dawladduna way bixinaysaa Lacagta.”