Madaxweyne Farmaajo Oo Mid Kamid Ah Ragii U Ololeeyay Xiligii Doorashada u magacaabay Xil Muhiim ah
Muqdisho 27. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa xilka ka qaaday Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Mr C/waaxid Sheekh Cumar waxa uuna xilkaasi u magacaabay mid kamid ah ragii u ololeenayay xiligii doorashada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa loogu magacaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) in u noqdo Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada.
Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa ahaa madaxii ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo intii lagu guda jiray Doorashadii Madaxweyne, waxaana Masuulkan lagu abaal mariyay in laga dhigo Maareeyaha Guud ee Hay’ada Sadaaasha Hawada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xilal kala duwan u magacaaaby qaar kamid ah ragii ololaha xoogan la waday xiligii doorashada Madaxweynaha, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha albaabada ka xirtay qaar kale oo kamid ahaa xubnihii ololaha gacanta weyn ka geestay.