Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mr Taabid oo waxqabadkiisa u horeeyay ka bilaabay Xarfo kala bedelid AKHRI
Muqdisho 27. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, ayaa amar uu soo saaray waxaa uu ku faray Waaxyaha kala duwan ee dowladda inay wax ka bedel ku sameeyaan qaab qoraalka Banaadir.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu isku bedelay xarfaha A iyo E. magaca “Banaadir”, kaasoo dhamaan waaxyaha dowladda Hoose la faray inay adeegsadaan “Benaadir”.
Wareegatada oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu faray in dhamaan waaxyada kala duwan ee dowladda hoose Xamar ay wixii hadda ka dambeeya adeegsadaan qaab qoraaleedka “Benaadir”
Dad badan ayaa durbaba la yaabay wax ka bedelka qoraal ee uu soo kordhiyay Guddoomiyaha, waxaana durbaba Baraha bulshada is qabsaday dodo ku aadan arrintan, iyo sax ahaanshaha Benaadir, waxaase la xusuustaa in maamuladii isaga ka horeeyay ee faafintooda rasmiga ah ay ku bixi jirtay magaca Gobolka Banaadir.
Waxaa durbaba la is weydiiyanaa haddii tani ay noqotay waxqabadkii ugu horeeyay ee Guddoomiyaha, waxa uu noqon karo waxqabadka soo socda ee laga filan karo.
Lama oga is bedelka qoraaleed ee ku yimid magaca Benaadir inuu qeyb ka yahay is bedelo lagu wado in lagu sameeyo Waaxyaha kala duwan ee dowladda Hoose iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.
Halkan hoose ka akhriso Wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.