|

Nin Baahidu Bartay Cunista Caleenta Geedaha, Markii Dambana La Qabsan Waayay Raashinkii Caadiga Ahaa

Pakistan 27. April 2017 (SDN/QJ):- Nin u dhashay Dalka Pakistan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamuud Buut, ayaa waxa uu muddo 25 sano ah cunto ka dhigtay caleenta Geedaha .

Ninkan ayaa waxa uu xaqiijiyay in sababta ku kaliftay arrintani ay ahayd Faqriga isla-markaana uu waayay waxa uu wax ku cuno oo Lacag ah.

Ninkan oo ay Da’diisu tahay 50 jir ayaa waxa uu sheegay in uu cunista Caleenta geedaha kula dagaalamay gaajadii iyo faqrigii aadka u darnaa ee soo  maray.

Maxamuud markii uu muddo caadaystay cunista caleentaasi ayaa waxa uu awood u yeeshay in uu helo shaqo taasi oo ah in uu samaytay Gaadhi Dameer uu ku xamaasho, balse markii uu awood u yeeshay in uu helo lacag uu ku iibsado Cunto uu cuno, waxa uu la qabsan waayay cuntadii caadiga ahayd ee ay dadku cunayeen, waxa aanu dib ugu noqday Caleemihii geedka waxa aanu haatan cunayaa Caleemahaasi muddo dhan 25 sano.

Sidoo kale, ninkan ayaa waxa uu sheegay in aanu waligii u tagin Dhakhtar taasi oo uu ka wado in caafimaadkiisu uu yahay mid aad u wanaagsan, “Qoyskaygu waxa uu ahaa qoys aad u faqiira, waxa aad noogu adkaa in aan helno cuntaadii aanu hal waqti cuni lahayn, sidaa awgeed waxa aan door biday in aan cuno caleenta geedaha aniga oo diidaya in aan dawarsado.” Ayuu yidhi.

Arrintan oo ah arrin aad u la yaab badan ayaa waxa uu ninkaasi qirayaa in muddadaa 25 sano ah ee uu caadaystay cunista caleenta geedaha aanay wax saamayn ah ku yeelan caafimaadkiisa ilaa iyo haatana uu la qabsan laayahay cunista cuntooyinka caadiga ah ee uu maanta awood in uu iibsado .

Comments are closed