Guud ahaan Shaqaale Weynaha Somaliland oo Beri Shaqooyinkooda Fasax Ka ahaan Doona Munaasibada Dheelmintii Nebi Muxamed NNKH Awgeed
Hargaysa 23. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Maxamed C.laahi Obsiiye ayaa Shaaciyey in Maalinta beri oo Isniin ah Shaqaalaha iyo Loo Shaqeeyeyaasha Somaliland ay Fasax ka ahaan doonaan Shaqooyinkooda Munaasibada Habeenkii La dheelmiyey Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH Awgeed.
Qoraalka Wasiirka Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshadda oo Nuqul ka mid ahi na soo Gaadhay ayaa ku wargeliyey dhamaan Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland inay beri oo Taariikhda Tirsiga Islaamku tahay 27 Rajab 1438 Kuna Beegan 24-ka Bisha April 2017 ay Shaqooyinkooda fasax ka noqon doonaan Maadaama loo dabaal degayo Munaasibada Dheelmintii Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed Naxariis Iyo Nabadgalyaba Korkiisa ha ahaatee.
Wasiirka Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Maxamed C.laahi Obsiiye waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u diray Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland isagoo eebbe ka baryay in Caafimaad qab iyo Barwaaqo ay ku gaadhaan Xuskan Xuskiisa.
Sidoo Kale Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geele ayaa dhankiisa Sheegay in Shaqaalaha Dawladu ay fasax ka noqon doonaan hawlaha ay qaranka ugu xilsaaran yihiin Munaasibada Dheelminta ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH.