Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay Siyaasiyiintii Xabsiga Ku Jirey ee Xisbigaasi oo Cuntadii Ka Soomay DAAWO
Hargaysa 23. April 2017 (SDN/QJ):-Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa si adag uga hadlay siyaasiyiintii Xisbigaasi ee ku jiray xabsiga dhaxe ee Hargeysa oo gebi ahaan ba ka soomay cuntadii la cunaayey, waxaana ay tallaabaddaasi ku dhaliileen Madaxtooyada oo uu sheegay in ay ugu xidhan yihiin sifo sharci darro ah isaga oo sida oo kale na tilmaamay in Madaxtooyadu ay mas’uul ka tahay wixii dhibbaato ah ee ka soo kordha.