Xukuumada Aljeeriya oo Soo dhoweysay Barnaamijyada Horumarineed ee Turkigu Ka Wado Dalkeeda
Aljeeriya 23. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Aljeeriya Cabdcasiis Boutafliqa ayaa soo dhoweeyey hanaanka horumarineed ee Turkigu u raacayo barnaamijyadiisa uu ka hirgelinayo Aljeeriya, isagoo Hogaamiyuhu saxiixa ku duugay mashaariicda ay wakaalada horumarinta Dalka Turkigu ka fulinayso gudaha Aljeeriya.
Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika waxa uu meelmariyey heshiis u ogalaanaya Hay’adda Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) inay fuliso mashaariicda Horumarineed ee Aljeeriya, waxana war Madaxtooyada Dalkaasi ka soo baxay goor dambe oo maalinimadii khamiista ahayd lagu sheegay in la la kala saxiixday dalka Turkiga heshiis dhanka borotokoolka dhaqaalaha, sayniska iyo iskaashiga tiknoolajiyada ku saabsan.
Heshiiskan oo sanadkii 2015 mabda’ ahaan la iskula qaatay Magaalada Ankara ayaa u ogolaan doona Wakaalada TIKA inay fuliso mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo dhulka magalooyinka waaweyn ah iyo weliba tuulooyinka fogfog, Maareynta Biyaha nadiifta ah, iyo xafidaada kheyraadka dabiiciga ah ee dalkaasi leeyahay iyo weliba cilmi baadhista dhaqanka iyo sayniska.