Maayir Soltelko iyo Xildhibbaano Saaka Madaxtooyada La Hor Tagay Codsi Ka Dhan ah Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose+ Garabsiintii Wasiir Samsam iyo Soo Dhaweyntii Aamin Weris
Hargaysa 22. April 2017 (SDN/QJ):-Wararka naga soo gaadhaya qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegaya in Maayirka caasimadda iyo xildhibbaano ka tirsan golaha deegaanka ee Hargeysa oo ay sida oo kale wehelinayso wasiiradda wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay saaka aqalka Madaxtooyada u yimaadeen siddii loo hor istaagi lahaa xoghaye cusub oo xalay loo magacaabay dawladda hoose ee Hargeysa isla mar ahaantaan dib looggu soo celin lahaa xoghayahii hore oo xalay fiidkii uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ka qaaday xilkii uu ka hayey dawladda hoose ee Hargeysa.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu xogahan ka helayno, ayaa sheegaya in Maayir Soltelko iyo mas’uuliyiinta la socday ba ay kulamo gooni gooni ah la qaateen wasiirka wasaaradda Madaxtooyada iyo weli ba sida oo kale Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Weris, waxaana ay xogahu noo caddeeyeen in Maayir Soltelko uu nidar ku maray in aanu marnaba aqbali doonin in laga bedelo xoghayahiisii hore ee dawladda hoose isaga oo ka codsaday Marwada iyo weli ba sida oo kale wasiirka Madaxtooyada ba in ay soo kala dhex-galaan wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo uu ku tilmaamay in uu dhibbaato ka dhex wado dawladda hoose ee Hargeysa.
Wasiira Samsam oo ka mid ahayd dadka kulamadaas ku wehelinaayey Maayir Soltelko, ayaa iyadu na dhankeeda sii adkeysay dalabka Maayir Soltelko, waxaana ay sheegtay in ay ka xukuumad ahaan ka hawl-geli doonaan siddii ay u fulin lahaayeen codsiga uga yimi Maayirka caasimadda Hargeysa.
Maayirka caasimadda Hargeysa, ayaa ay hore xidhiidh dhow oo wada shaqeynayd wada lahaayeen xoghayahii hore ee dawladda hoose Md.Mawliid Keyse Qarro halka uu sida oo kale na sas xooggan ka qaaday xoghayaha hada loo soo magacaabay xilkaasi Md.Cali Xasan Cawaale oo hore uga soo shaqeeyey wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.