|

Xoghaye Ku Xigeenka Guud ee X.WADDANI oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Lacagtii Doorashada Oo Aaney Bixin DAAWO

Hargaysa 21. April 2017 (SDN/QJ):- Shir-jaraa’id oo saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI ay ku qabteen xarunta dhaxe ee Xisbigaasi ku lee yahay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay si adag uga ga hadleen guddi musdambeed ah oo Madaxweynahu sheegay in uu u sameynaayo Komishanka Doorashooyinka, xadhiga siyaasiyiin ka tirsan xisbigaasi oo dhawaan ay xukuumaddu xidhay iyo weli ba sida oo kale qaadhaankii Doorashada oo isna aanay illaa hada bixinin Xukuumaddu iyaga oo walaac xooggan ka muujiyey qabsoomidda Doorashada maadaama aan weli la bixinin qaadhaankii Doorashada.

Xoghaye Ku Xigeenka Guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Xukuumadda KULMIYE ku dhaliilay lacagtii doorashada oo aaney wali bixin.

Sidoo kalena xubnahani waxay ciidanka Booliska Somaliland ku eedeeyeen inaanay dhex u ahayn saddexda xisbi qaran,iyaga oo ku eedeeyey inay dalka iyagu qas ku wadaan oo ay kasoo horjeesteen sharciyadii dalka u yaalay.

Comments are closed