Baarlamaanka Soomaaliya oo Isku Khilaafay Mooshin ay Kaga Masuugayaan Cilaaqaadka Somaliland Iyo UAE
Muqdisho 19. April 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii Baarlamanka Somalia ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu soo hadal mowshinkii laga keenay saldhiga dowlada Imaaraatka Carabtu ka dhisaneyso magaalada Berbera.
Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo shir guddoominayey fadhiga ayaa sheegay in ajendaha maanta laga doodayo uu yahay qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka banaan Golaha, kaasoo ku saabsanaa in guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka loo wakiisho.
Hase ahaatee Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaan oo ka mid ahaa Xildhibaannadii keenay mooshinka ku aadan heshiiska dekadda Berbera ee lala galay dalka Isutaga Imaaraadka ayaa codsaday in ajendaha maanta lagu soo daro mowshinkaas, si ay Xildhibaannada uga doodaan.
Balse guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inaan faahfaahin dheeri ah laga heynin heshiiskaasi, wuxuuna talo ahaan soo jeediyay in laga warsugo dhanka Xukuumada, taasoo ay ku raaceen Xildhibaanada.
Intaas kadib Shir guddoonka golaha shacabka ayaa waxa ay go’aamiyeen in mooshinka ku saabsan heshiiskii dekadda Berbara loo gudbiyo Xukuumadda Soomaaliya si xog dheeraad ah looga helo heshiiskaas.
Go’aanka Jawaari,waxa uu sababay in koox xildhibaanno ah oo wada mooshinkan laablakaca ahi ay cambaareeyaan Guddoomiyahooda oo ay sheegeen inuu isagu hortaagan yahay in la gudogalo wax ay ugu yeedheen mooshin sharci ah.
Geesta kalena, qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa baahiyay warar barobagaando ah oo ay sheegeen in Safiirka Imaaraadka carabta u fadhiya Muqdisho, Maxamed Al-cusmaan Xamaadi, uu maalmihii la soo dhaafay waday shirar lagu fashilanayo Mooshinkan.
Waxa kaloo ay shabakadaha internetka ee Soomaaliya qoreen in weftigii Farmaajo ee Imaaraadka carabta uu wax ka bedalay mowqifkii dawladda Soomaaliya ka taagnayd arrintan.
Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in aanu iskaashiga ay la leeyihiin dawladda imaaraadka carabta aanay waxba yeelaynin hadaaqyada ka soo yeedhaya Soomaaliya, waxaanay ku caddeysay haddii Soomaaliya joojin waydo in Somaliland ka bixi doonto wadahadalladii u socday Soomaaliya.