|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland & Wasiiro Xukuumadda ah oo Ka Hadlay Dhallinyaro Xukuumadu Aqoon dibadeed u dirtay DAAWO

Hargaysa 20. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qasriga Madaxtooyadda Kulan Kula Yeeshay Aqoon Yahanada Somaliland ee Dalka Itoobiya Wax Ku Soo Bartay.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii dhalinyarada aqoonyahanku qayb uga noqon lahaayeen dib u habaynta iyo horusocodka nidaamka dawladnimo ee la soo dhisayey 26 sano ee la soo dhaafay iyo in dhalinyaradaasi aqoonyahanka ahi dib ugu celiyaan dalkooda hooyo aqoonta ay u soo barteen ee xukuumaddu ku taageertay, qaybta ugu weyna ay iyadu lahayd madaama oo ay dawladu dirtay aqoonyahankan oo ah shaqaalaha dawlada intooda badani.

Comments are closed