MASLAXO: Maanso Cusub Oo Qayb Ka Ah Silsiladda Miimleyda – W/T: Maxamed Ciisood
Hargaysa 20. April 2017 (SDN/QJ):- Tixdan waxa la yidhaahdaa Maslaxo, maslaxo waxa ay ka mid tahay maansooyinka dhexdhexaadka ah ee silsilada miimlayda ah, tixdu waxay ugu baaqaysaa dhamaan dhalinyarada haldoorka ah ee ka qaybqaatay silsilda inay la yimaadaan xal wax ku ool ah oo lagula tacaalo dhibta jirta, tixdu waxa ay qiray saa in uu musuq jiro sikasta ba ha u jiree, balse taas macnaheedu maaha in waligeed ba lagu celceliyo musuq baa jira iyo wax baa la lunsaday intaa waligeen ba waa aynu maqli jirnay, hadii ay sidaa ku sii socotana waxaa bay u ekaanay saa dad aan is caqli dhaamin balse oo Eed aan dhamaanayn, ceeb iyo cay gurigooda taala ku asaraartamaya, sidaa awgeed tixdu waxay ka cod sanay saa dhamaan ka qayb- galayaasha iyo dadka kale ee caqliga u saaxiiibka ah inay so bandhigaaan wixii lagula tacaali lahaa musuqa.
Maansada Maslaxo ayaa u ku bilaabantay sidan:-
Bismilahi Magacii
Mawluhu la baxayee
Macbuudkeeni waynaa
Milgihiisa gaarka ah
Muqiitow I dhaha yidhi
Marka xiga silsiladii
Weedhsame maguujiyay
Cabdillahi marag kacay
Ee madal abwaaniyo
Barbaarteedii maansada
Ugu muuqa roonayd
Kala maanka aragtida
Miimka isku celiyeen
Mareegtaan ka helayoo
Markii aan ma hiibsaday
Anna mooradaydii
Miin ka naa ka soo baxay
Marag iyo muducigii
Isku muusanaa boow
Runta lama maldaha oo
Been lama masruuf tee,
Idin koo madluumkiyo
Matalaaya maatada
Mashaqada la dariska ah
Tixdaad ugu miciinteen
Alla magane waahiil
Marna waa tilmaaniyo
Moogaha wax sheegii
Marna waa damiirlumay
Magacuu dulaystiyo
Maalkuu ku loo faray
Qaanshaag ku maqaniyo
Milil buuga ugu yaal
Marna miimku waa bade
Murti weeye meelmara
Ha yeeshee maxamadow
Miridh kaynu joogniyo
Maalin taan garaadsaday
Subaxii yimaada ba
Waxa igu maqaalo ah
Mansibaa wax lagu xaday
Musuq seeto goys iyo
Murdisaa la sheegaa
Macaluusha baahdiyo
Mugdig iyo abaartana
Maqdaralla ha joogee
Madaxdii wax lagasaar
Ha yeeshee maslaxadii
Hadii ay murgacatiyo
Haday mayrac seegtaba
Misna magac xumaantiyo
Xaajada maroortaa
Mooskayga dhaafayn
Mura muhu xal maahee
Mahuraan ka samahiyo
Wixii maara noqon kara
Maad muhindisoo taan
Maxamed Xuseeb Axmed (Ciisood)…