Ganacsatada Qaadka ka Soo Dejiya Madaarka Aadan Cade ee Muqdisho oo Maanta Bilaabaya Shaqo Joojin & Sababaha Keenay
Muqdisho 20. April 2017 (SDN/QJ):- Ganacsatada Qaadka kala soo dega Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maalinta oo khamiis ah aysan Qaad ka soo dejineyn Garoonka Aadan Cadde.
Waxay intaa ku dareen shaqo joojintan ay kaga cabanayaan canshuurta laga qaado Qaadka oo lagu kordhiyey.
Mid ka mid ah Ganacsatada qaadka ayaa sheegay in marduufkii qaadka ah canshuurta laga qaado la kordhiyay, wuxuuna xusay in markii hore halkii marduuf laga qaadi jiray 43-kun Shso ah oo u dhiganta $2 dollar, haatana laga dhigay 53 kun oo Shso oo ah ku dhawaad $2.5.
Cabasho arintaas ku saabsan ayuu sheegay iney u gudbiyeen Wasaarada Maaliyada Somalia lana dhegeysan waayay, sidaas darteedna ay laga billaabo Saaka oo Khamiis ah joojiyeen Soo dejinta Qaadka ilaa lacagaha lagu soo kordhiyay meesha laga saarayo.
Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Somalia ayaan illaa hadda ka hadlin cabashadan ka soo yeertay ganacsatada Qaadka kala soo degta garoonka dayuuradaha Aadan cadde.