|

Jidka Ugu Halista Badan Adduunka Oo Dib Loo Furay Sanado Badan Kadib !

Spain 20. April 2017 (SDN/QJ):- Jidka ugu halista badan Adduunku waxa uu ku yaallaa Dalka Spain, gaar ahaan meel buuro ah dhexdood Dawladda Dalka Spain ayaa jidkan xidhay sanadkii 2001dii kadib markii jidkaasi ku qudh baxeen Dalxiisayaal u tagay inay soo daawadaan.

Jidkan oo magaciisa la yidhaahdo Camineto Del Rey ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay jidka ugu halista badan Adduunka, Dawlada Spain waxay ku soo rogtay ciddii u dalxiis tagaysa jidkaasi in ay iibsato tigidh uu qiimihiisu yahay 11$ si loo ilaaliyo Ammaanka  Dalxiisayaasha iyo sidoo kale si loo ogaado tirada Dadka galay meesha uu ku yaalo jidkaasi.

Sidoo kale Dhakhaatiirta Dalkaasi ayaa ugu digey Dadka madax wareerku ku badan yahay inay goobtaasi tagaan, Waayo?, Jidkaasi waxa mari kara markiiba hal qof oo kaliya waxaanu qofkaasi mari kara isaga oo dhinac dhinac u socda, sidoo kale haddii uu qofku damco inuu daawado waxa ka hooseeya waxay ku keenaysaa Dawakhaad xad dhaaf ah waana sababta dhakhaatiirtu ugu digeen, waxa xusid mudan in jidkani uu ku dul yaallo meelo buur ah oo aad u saraysa.

Comments are closed