|

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo u Dabaal Degaya Guusha uu Ka Gaadhay in Awooda Dalkaasi ay Gacantiisa Soo Gasho & Qodobada Awooda Dheeraadka ah Siiyay DAAWO

Ankara 18. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa  Ka Hadlay Aftidii Axadii loo Qaaday Wax ka bedel lagu Sameeyo Distoorka dalkiisa oo Awoodo dheeraad ah Siiyay .

Madaxweynuhu Wuxuu Shir Gudoomiyey Kulan ay Yeesheen Golaha xukuumadda dalkiisu ka dib markii uu Ku Guuleystay aftidii loo qaaday wax ka bedelka dastuurka  ee Axaddii shalay ka qabsoontay dalkaasi.

Gudoomiyaha Gudida Doorashada ee Dalkaasi ayaa sheegay in Natiijada aftidii Wax ka bedelka Distoorka ee Codka lagu Meel mariyey ay Sharci tahay.

Sadi Guven ayaa hadalkan sheegay ka dib markii xisbiga CHP ee mucaaradka ugu wayn uu sheegay in wax isdabo marin ay ka jirtay habka tirinta ayna ka mid tahay in la adeegsaday waraaqo aan la shaambadaynin.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradkuna ay ka heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Saddexda magaalo ee ugu waawayn dalka Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir ayaa Maya u codeeyay oo diiday in isbadal lagu sameeyo dastuurka.

Hadaba M/weyne Erdugan oo  markii lagu dhawaaqay Natiijada aftida loo qaaday wax ka bedelka Dastuurka hadal ujeediyey taageerayaashiisa ayaa sheegay in Tallaabadan aftida Wax ka bedelka dastuurku ay tahay is bedelkii siyaasadeed ee soo marta taariikhda cusub ee Turkiga.

Guushiisa  aftida wax ka bedelka dastuurka  ayaa jideynaysa in Madaxweyne Erdugaan inuu xafiiska sii joogi doono ilaa sanadka 2019-ka waxaanuu dastuurka cusub  uu siinayaa awoodahan:

  • in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaankee xigtaa la qaban doono saddex-da( 3 ) bisha November 2019, Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sanadood ah.
  • Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono Golaha wasiirada iyo saraakiisha sar-sare.
  • Madaxweynuhu Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeeno dhowr ah.
  • Waxaa meesha laga saari doonaa Awoodii xilka ra’iisal-wasaaraha
  • Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameyn karo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan hore ugu eedeeyay inay u xagliyaan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.
  • Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.

Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ee CHP ayaa sheegay in wax isadabamrin lagu Kacay isla markaana lagu shubtay af-tidii loo qaaday wax ka bedelka Dastuurka ee Axadii ka qabsoontay Dalka.

Comments are closed