Dowlada Somalia oo ka Hadashay Aftidii Awooda Loogu Kordhiyey Madaxweynaha Turkiga
Muqdisho 18. April 2017 (SDN/QJ):- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Somalia ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka soo hooyeen aftidii dhinaca dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi.
“Waxaan u hambalyeynayna Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi , taasoo u horseedeysa inuu ku hogaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheega Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib qiimo leh oo ka mid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya, taasoo aan u aragno inay xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood.
Ugu dambeyn xukuumadda iyo shacabka dalka Soomaaliya waxay u rajeeyneysaa shacabka Turkiga oo doortay wadada cusub ee dowladnimada, horumar iyo barwaaqo.