|

Laba Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Gacanka Cadmeed Iyo Dhaawaca Mid Kale

Ceerigaabo 18. April 2017 (SDN/QJ):- Sarkaal Soomaali ah, ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada Baddu toogasho ku dileen Labo budhcad badeed ah Soomaali ah, halka mid kalana ay dhaawaceen.

Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah xoogagga la dagaalanka budhcad-badeedda ee Puntland ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka mid ahaayeen sagaal budhcad badeed ah, kadib markii Markab kuwa ciidamada ah uu rasaas ku furay meel aan ka fogeyn gacanka cadmeed.

Lixda kale oo ka mid ahaa budhad badeeda ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen weerarka ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda.

Dadka deegaanka lagu magacaabo Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegay subaxnimadii Shalay lagu arkay xeebta meydadka labo ruux kuwaa loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen budhcad badeeda.

Todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa sare u kacayay dhaqdhaqaaqa kooxaha budhcad badeedda ah oo sanadihii ugu danbeeyay hoos u dhac weyn ku yimid weeraradii ay ku qaadi jireen maraakiibta .

Comments are closed