Xisbiga Waddani Oo Guddida Doorashooyinka Ugu Baaqay Inuu Tafaasiil Ka Bixiyo Ujeeddada Shir Ay Xukuumadda Isku Keliyeysateen Oo Tuhun La Geliyey
Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Masuul ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo lagu Magacaabo Cali Cantar, ayaa Komiishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay Ummadda u caddeeyaan Ujeeddada Shir aanay Xisbiyada Qaranku ogeyn, kaasi oo La Taliyihii Is-casilay ee Arrimaha Doorashooyinka u qaabilsanaa Madaxweynuhu Warbaahinta ka sheegay in la diiday inuu ka qayb-galo oo dibadda looga saaray.
La Taliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-jawaan) oo toddobaadkii hore iscasilay, ayaa hadalkii uu Warbaahinta siiyey ku sheegay in Komiishanka Doorashooyinku ay Shir gaar ah la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, balse isagoo la taliyihii Madaxweynaha ee Doorashooyinka ah ay Xubnaha Komiishanku diideen inuu Shirkaa kala qayb-galo isla-markaana uu ka baxay.
Sidaasi darteed, Masuulka Xisbiga WADDANI ka tirsan Cali Cantar oo soo xiganaya Hadalkaa uu Cabdillaahi-jawaan Warbaahinta siiyey markii uu Iscasilay ka dib, ayaa Komiishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay Ummadda u caddeeyaan waxa Shirkaasi ahaa ama lagaga hadlay, isagoo Xusay in WADDANI ahaan ay Shirkaasi oo Xisbiyadu aanay ogeyn uu Tuhun geliyey.
Cali Cantar oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa faahfaahinaya wuxuu yidhi “Cabdillaahi-jawaan oo ahaa La-taliyihii Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinku wuxuu ka dhawaajiyey Dhowr Arrimood oo gilgilay Ummadda, kuwaasi oo markii horeba Dadku Tuhun ka qabeen, in Arrintaasi jirto ayuun buu caddeeyay, wuxuu dhimay ma jirto, Shaqadiisiina wuu kaga tagay isagoo doonaya inaan hadhow arrintaa lagu xamanin. Cabdillaahi wuxuu sheegay in Komiishanku Shir-doceedyo la galaan Xukuumadda, markaa Komiishanka waxaanu leenahay ha is-caddeeyaan Shir-doceedka ay la galeen Xukuumadda.”
Cali Cantar waxa kale oo uu sheegay “Haddaanu nahay Xisbiga WADDANI waxa na galay Tuhun, Tuhunka na galay waxa weeyaan inaad gasheen Shir (Idinka iyo Xukuumaddu), Shirkaana uu sheegay Cabdillaahi inaad ku tidhaahdeen Adigu ka bax, isagoo ahaa Xubin meeshaba u qaabilsan (Doorashooyinka), Wasiirka Madaxtooyada oo aan Arrimahaa qaabilsanayna aad la shireyseen, Cabdillaahi-jawaan oo Shaqada ku jirana aad ka bax tidhaahdeen. Taa waxaan odhan lahaa Komiishanku Ummadda ha u caddeeyo waxaa Cabdillaahi-jawaan ka sheegay.”ayuu yidhi.
Ugu dambayn, Masuuliyiinta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu wax ka waydiiyo hadalka soo yeedhay Xisbiga WADDANI, ayaanay suurto-gelin inaanu helo, ka dib markii Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame uu telefoonkiisa Gacanta qaban waayay, halka Afhayeenka Guddidaasi Siciid Cali Muuse-na uu Telefoonkiisu Hawada ka maqnaa.