|

Doon Aan Haybteeda La Aqoonsan Oo Meydka Laba Ruux Oo Soomaali Ah Shalay Ku Soo Tuurtay Xeebta Gobolka Sanaag Ee Bariga Somaliland

Maydh 18. April 2017 (SDN/QJ):- Doon aan haybteeda la aqoonsan ayaa shalay ku soo tuurtay Xeebta Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland Meydka laba nin oo la sheegay inay Soomaali yihiin,Waxaana Meydkaasi gacanta ku haya oo baadi goobaya Eheladooda Dadka degan Deegaanka Xeebta ee ay Doontaasi ku soo tuurtay Meydadka.

Wararka Xalay naga Soo gaadhay Gobolka Sanaag ee Bariga fog ee Somaliland ayaa sheegay in halkasi lagu arkay Meydka Laba ruux oo la sheegay inay yihiin Soomaali oo sabaynaya Badda Xeebta Gobolkaasi,gaar ahaan. Meydka Labadaasi ruux oo rag lagu sheegay ayaa dadka deegaanka waxaa ay ku sheegeen in laga soo tuuray Doon mareysay Xeebaha Deegaanka Dur-Duri ee Gobolka Sanaag doontaas oo ilaa hadda aan la’aqoon.

Dadka deegaanka ayaan weli aqoonsan cidda ay yihiin Meydadka labadaasi qof balse waxaa ay ku sheegeen in ay yihiin Soomaali. Wararkan ayaa intaasi ku daray in Doontaasi si qarsoodi ah ugu soo tuurtay Xeebtaasi balse lama sheegin inay Wax nabaro ahi ku yaalaan Meydadka Doontu soo tuurtay marka laga reebo Xaqiijinta Geerida Labadaasi ruux,Waxaana meydadkaasi illaa Xalay lagu hayay Deegaanka ku teedsan halka ay ka soo caarideen ee Meydadkaasi laga helay oo ku beegan Xeebta Fog ee Gobolka Sanaag Bari ee Somaliland oo marin mihiim ah u ah Doonyaha kala duwan ee iskala goosha Dunida Carabta.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmo uun laga joogo Doon kale oo siday tahriibayaal Soomaali ah oo ubadnaa Reer Somaliland oo ay gantaal ku dhufteen Ciidamada Xulufada Sucuudiga ee Duqaynta Ka Wada Dalka Yemen,taasi oo ay Khasaare balaadhan gaadhsiiyeen islamarkaana ay ku dhinteen Dhalinyaro badan oo doontaasi saarnaa oo intooda badani ka soo jeedeen Goboladda Sool,Togdheer Iyo Maroodi-Jeex.

Comments are closed