|

Xuutiyiinta Yemen Oo Aaska Maydadkii Reer Somaliland Ee La Xasuuqay Shuruud Uga Raadinaysa Maamulka Xamar Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Aan Kaba War Hayn

Sana 18. April 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si loo aaso maydadka dadkii Soomaalida ahaa ee u badnaa reer Somaliland ee badda Cas diyaaradda Hilokobtarta ahi ku xasuuqday si loo aaso waxa ay shuruud u direen maamulka Muqdisho ee Soomaaliya iyada oo aanay xukuumadda Somaliland arrinkaasi horena wax war ah oo cad uga soo saarin imikana kaba war hayn.

Hoggaanka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa diidan in la aaso Maydadka ugu yaraan 33-Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo lagu dilay Duqeyntii bishii hore ee March 16-dii lala beegsaday 145 Qaxooti Somali ah oo la socotay Dooni maraysay meel ku dhow Dekedda magaalladda Xudeydh ee Koonfurta dalkaasi kuwaasi ooh ore loo xaqiijiyey in ay ka mid ahaayeen dad Somaliland ka soo jeedaa.

Ilo Wareedyo u dhuun daloola Arrintan ayaa sheegay inay Maamulka Jabhadda Xuutiyiinta Yemen laba Shuruudood ku xidheen Aaska Maydadkaasi, kuwasi oo kala ah:

  1. Inay Dowladda Federalka Soomaaliya ka helaan Qoraal Oggolaansho Rasmi ah si loo aaso Maydadkaasi oo qaarkood weli lagu hayo Qaboojiyaha Csbitaalka magaalldda Xudeydah.
  2. Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya in ay goojoog ka ahaadaan Aasidda Marxuumintaasi. Dhinaca kale, Dowladda Federalka sheegata ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ka meermeerayso Codsiyadda Xuutiyiinta, maadaama aanay Dowladdaasi aqoosanayn Maamulka Maleeshiyadaasi xuutiyiinta oo ay iska dhigayso sida dalalka kale ee jaamacadda carabta oo diiddan aqoonsiga maamulka Xuutiyiinta halka ay taasi baddalkeeda ka aqoonsan yihiin xukuumadda taagta daran ee Madaxweyne Cabdurabu Mansuur Haadi ee Yemen.

Ilo Wareedyadan Diblomaasiyadeed ayaa sheegay inay Xuutiyiinta dalkaasi Yemen cadaadis ka wataan shuruudahaasi, si maamulka Muqdisho ugu khasbanaato La-xidhiidhka Kooxdaasi, taasi oo horseedi karta Weji-gabax Diblomaasiyadeed oo maamulka Xamar ka raaca arrinkaasi haddii ay soo faro galiyeen iyada oo dalalka Carabtu isha ku qaban karaan.

Safaaradda Maamulka Muqdisho ku leedahay Yemen waxaa mar hore loo soo wareejiyey magaalladda Cadan oo ah Caasimadda Ku Meel Gaadhka ah ee Dowladda Sharciga ee dalkaasi ee Madaxweyne Cabdurabbu Mansuur Haadi.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa adkaan doonta in sida ugu dhaqsaha badan loo aaso Maydadka Qaxootiga Soomaalida, kuwaasi oo muddo bil ah isaga jira Qaboojiyayaasha Qolka Maydadka ee Isbitaalka magaalladda Xudeydah.

Comments are closed