|

“Ma Maqlin Annagu Waxaa ee Social Mediaha uun baa laga Sheegay Dad Ku leh Waxaan nahay Saadicuuna bil-xaq waa Takfiirigii hore,Dagaal ma galayno leh Urur Siyaasadeedna ma Doonayno inaan noqono’’ Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle DAAWO

Jabuuti 17. April 2017 (SDN/QJ):- Telefishanka Saab oo wareysi la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu weydiiyay ururka cusub ee la magac baxay Al-saadicuuna Bil-xaq in uu ka jiro dalkiisa iyo inkale.

“Ma maqlin annagu waxaa ee Social Mediaha uun baa laga sheegay dad ku leh waxaan nahay Saadicuuna bil-xaq waa Takfiirigii hore weeyaan waxay ka farcamayaan laakiin dagaal ma galayno leh urur siyaasadeedna ma doonayno inaan noqono markaa ninka noogu yarna waa Konton jir ayay yidhaahdeen ayaa la yidhi ee Saxafiyiintu ha sarrifaan annagu ma garanayno meel ay ka yimaadeene” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle

 

Comments are closed