Xisbiga WADDANI Oo Su’aalo Xujo ah Hor Dhigey Taliska Guud Ee Ciidamada Booliska Somaliland Iyo Komishanka Doorashooyinka DAAWO
Hargaysa 17. April 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Cantar oo kamid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo shir jaraa’id ku qabtey xarunta ee xisbigaasi ee magaalada Hargeysa ayaa eedaymo badan usoo jeediyey Taliska Ciidanka Booliska Somaliland kuna eedeeyey inaanay dhex ahayn,sidoo kalena waxa uu guddiga Komishanka doorashooyinka qaranka ugu baaqay inay daaha ka qaadaan kulamada hoose ee ay la qaateen mas’uuliyiin xukuumada ka tirsan,taasi oo uu ku eedeeyey la-taliyihii hore ee madaxweynaha Somaliland ee koomishanka doorashooyinka.
Siyaasi Cali Cantar oo ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu guddida doorashooyinka Somaliland ugu baaqey in ay bulshada u cadeeyan ujeedka uu daaranaa kulan qarsoodi ah oo ay la qateen Wasiirka madaxtooyada Somaliland, isla markaana kulankaas ay ka sareen Cabdilaahi Jawaan oo ahaa la taliyihi madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka .
Sidoo kale Cali Cantar ayaa waxaa uu ka hadley laba mas’uul oo xisbigaasi ka tirsan isla markaana xidhan,geesta kale waxaa uu siyaasi Cali Cantar ugu baaqey taliska booliiska Somaliland in ay dhex u noqdaan shacabka Somaliland iyo xukuumadda Somaliland.