Dhalinyaradda Xaafadda Axmed Dhagax Oo Jawaabo Kulul Ka Bixiyey Hadallo Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda KULMIYE DAAWO
Hargaysa 17. April 2017 (SDN/QJ):- Qaybo ka Mid ah Dhalinyarada iyo aqoonyahanka Xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa oo shir jaraa’id ku qabtey gudaha magaalada Hargeysa ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadallo kasoo yeedhay wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahi Qabo,maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco iyo waliba xoghayihii hore ee dawlada hoose caasimada Hargeysa Axmed Darajo,
Waxaana ay Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo WADDANI ka tirsan iyo la-taliyihii hore ee dhinaca doorashooyinka Somaliland Mr.Cabdillaahi Jawaan ka difaaceen eedo ay u soo jeediyeen.
Dhalinyarada iyo aqoonyahanka Xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa si mug leh u taageerey is-casilaaddii uu ku dhawaaqey a-taliyihii hore ee dhinaca doorashooyinka Somaliland Mr.Cabdillaahi Jawaan,waxaana ay geesta kale eedo cul-culus ku garaaceen wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahi Qabo,maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco iyo waliba xoghayihii hore ee dawlada hoose caasimada Hargeysa Axmed Darajo,oo eedeymo hadallo loo soo dhiibey ku tuurey siyaasi Xusseen Axmed Caydiid iyo la-taliyihii hore ee dhinaca doorashooyinka Somaliland Mr.Cabdillaahi Jawaan.