|

Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland oo Qaabilay Wefti ka Socda Dalka Turkiga iyo Arrimaha ay Ka Wada Hadleen DAAWO

Hargaysa 17. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradaas Axmed Nuur Faahiye, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar C/laahi Aadan, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Dalka Turkiga oo Socdaal Shaqo Ku Jooga Somaliland.

Ujeedada socdaalka waftiga ayaa ahayd sidii Dawlada Turkigu u dhisi lahayd Terminal Casri ah oo uu yeesho Madaarka Cigaal International Airport iyo sidii ay Diyaarada Turkish Airline duulimaadyo uga bilaabi lahayad Somaliland.

Comments are closed