|

‘’Markaan Runta Idiin Sheego Waxa Keliya ee noo Hadhay Waa inaan Idin Layno,Idinkaana Nagu Khasbaya’’ Wasiirka Madaxtooyadda & Nuxurka Khudbadihii Mas’uuliyiinta Dawlada DAAWO

Laascaanood 16. April 2017 (SDN/QJ):- Waftigii balaadhnaa ee ka socday xukumada s/land ee hawsha nabadaynta u tagay gobolka sool ayaa si rasmiya u gudo galay hawshaasi iyagoo gaadhay deegaanada dhumay,Dharkayn geeyo,Daba taag Iyo Kala baydh oo Shaqaaqooyin dhimasho iyo dhaawac Sababay ay Ku dhex Mareen Laba Beelood oo Halkaasi wada dega.

Waftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirada wasaaradaha madaxtooyada, arrimaha gudaha, gaashaandhiga, caafimaadka, waxbarashada, wasiir dawlaha beeraha , taliyaha guud ee ciidanka qaranka, gudoomiyaha hay,da shaqaalaha, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye, maamulka gobolka sool iyo ka degmada laascaanood ayaa waxay la hadleen waxgaradii iyo dadwaynihii ku sugnaa deegaanad ay mareen.

Wasiirka madaxtooyada JSL oo ka hadlaayey goob kamid ah meelaha ay dadka kula kulmeen wax uu sheegay in xukumadu waxba kala hadhayn hawlaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta ee mushkilada ku soo noqnoqotay deegaanka.

Wasiirka madaxtooyadu waxa uu sheegay in hada ka bacdi loo dulqaadan doonin dad rayid aha oo hubka wax dili kara sita , waxa uuna u mahad celiyey wasiirku ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Somaliland kaalinta ay ka qaateen hawshaasi.

Comments are closed