|

Jaamacado kuyaala Muqdisho oo shaqada ka ceyriyay Macalimiin kamid Noqday Urur Diimeed Cusub

Muqdisho 16. April 2017 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho ayaa shaqada ka ceyriyay Macalimiin wax ka dhigayay Jaamacadahaasi, kuwaa oo la sheegay in ay ku biireen Urur Diimeedka cusub ee Al-Saadicuun Bil-Xaq.

Photo Fille: Xubno Ka Mid ah Urur Diimeedka Al Saadicuuna Bil Xaq

Jaamacada Jaziira oo kamid ah Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho ayaa shaqada ka ceyrisay sadex macalin oo wax ka dhigayay Jaamacadaasi, waxaana macalimiintaasi cadeesteen in ay kamid noqdeen Kooxda Al-Saadicuun Bil-Xaq oo dhawaan wadamo dhoor ah looga dhawaaqay.

 

Dr C/Qaadir C/Raxmaan Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha Golaha sare ee Jaamacada Jazeera oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shaqada Jaamacada ka eryeen sedex macalin uu sheegay in ay cadeeyeen in ay kamid noqdeen Urur Diimeed.

 

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in macalimiinta shaqada laga eryay ay sanado badan ka shaqeenayay Jaamacada Jazeera, waxa uuna sheegay in sababta shaqada looga eryay in ay tahay in ay kamid noqdeen Urur diimeed taasina aysan ogoleyn xeerka u yaala Jaamacadooda.

 

Urur Diimeedka Al-Saadicuun Bil-Xaq oo Culumada Soomaaliyeed sheegeen in ay yihiin Takfiir ayaa looga dhawaaqay wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, waxaana Ururkan xubno ka ah Aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed oo maamul iyo macalimiin ka ah Jaamacado iyo ganacsato.

Comments are closed