Kuuriyada Waqooyi oo Dhoola Tus Xoogan Ku Soo Bandhigtay Cuddudeeda Ciidan & Fariin Culus oo ay u Direen Maraykanka DAAWO
Pyongyang 16. April 2017 (SDN/QJ):- Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay awoodeeda Milatari, waxa ayna ciidamada kala duwan dalkaasi ay soo bandhigeen dhoolo tus cajiib ah xili uu daawanayay Madaxweynaha dalkaasi Kim Jong-un.
Dhoola tuska ay sameenayeen Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo bandhigay hubkii ugu dambeeyay ee sameesatay dowlada dalkaasi ay ku jiraan gantaalo casri ah iyo Markab gujis cusub ah oo xambaari kara gantaalada balastiga.
Munaasabadan ay dowlada Kuuriyada Waqooyi kusoo bandhigeysay awoodeeda Milatari ayaa haeed mid loogu dabaaldegayey dhalashadii Kim Il-sung, oo ahaa aasaasihii dalkaasi, sidoo kale awoowe u ahaa Hogaamiyaha talada Kuuriyada Waqooyi hada haya
Dhoola tuskan ciidan ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordheyso xiisada u dhaxeysa Dowlada Kuuriya Waqooyi iyo Dowlada Mareykanka oo garab siinaya dowladaha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, xiisada ayaana ka dhalatay tijaabinta gantaalo ridada dheer ay tijabaisay Kuuriyada Waqooyi.