Sanad guuradii Sadexaad ee Afduubkii Hablahii Nigeria oo Laga xusay Dalkaas (Illaa Hadda Waxa la soo daayey 276 hablood) By Rafiu Ajakaye
Nigeria 16. April 2017 (SDN/QJ):- Guud ahaan Wadanka Nigeria waxaa ka socda todobaadka lagu xusuusto hablahii ardayda ahaa ee ay kooxda Bokko Haraam Afduubteen muddo haatan laga joogo sadex sanadood.
‘Xukuumadu waxay illaa hadda xidhiidh la samaysay 276 hablood oo ka mid ahaa hablihii laga afduubtay dugsi boodhan ah, waana ku talo jirnaa sii daynta inta gacanta afduubayaasha ku hadhay iyadoo loo marayo dariiqa wadahadalada” waxa sidan warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo jimcihii shalay ka qaybgalay xuskaasi.
Hadalka Madaxweyne Buhari waxa uu ku soo beegmay bilowga todobaad xidhiidh ah oo guud ahaan wadankaa laga samaynayo xuska sadex sano guurada ka soo waregtay xiligii hablahaa yaryar la afduubtay, iyadoo sanadkan halhays looga digay ‘noo soo celiya hablaayaga’ waana qayb ka mid ah ololaha ay dabada ka riixayaan dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada kuwaas oo culays ku saaraya madaxda dalkaasi inay kordhiyaan qorshayaasha iyo dadaalada lagu doonayo in hablahaa lagu soo daayo.
Warqad furan oo ay kooxaha u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshadu u direen Madaxweynaha waxay ku weydiisteen xukuumada inay kordhiso wadahadalada ay kula jirto Boko Haram si loo soo daayo hablahaa iyadoo illaa hadda gacanta afduubayaash ay ku jiraan 195 hablood.
276 hablood oo ka soo baxay gacanta afduubayaasha ayaa 57 ka mid ahi ay soo baxsadeen xilli habeenimo ah bishii April 2014, xilli intooda kalena lagu soo furtay hawlgalo ay millaterigu sameeyen, iyadoo 21 hablood lagu sii daayey qaab wadahadal bishii Oktoobar 2016.