Mas’uul Culus Oo Iska Casilay Xisbiga Waddani Shaacana Ka Qaaday In Taageerayaasha Xisbigu Ku Jahawareersan Yihiin Jaho La’aanta Guddoomiye Cirro
Sheffield 13. April 2017 (SDN/QJ):- Xoghayihii Waaxda Samofalka Iyo Daryeelka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ayaa Xisbigaasi iska casilay,waxaana uu sheegay in Taageerayaasha Xisbigaasi ay soo waajahday Xaalad adag oo jihayn la’aan Siyaasadeed ahi,waxa uu eedo kala duwan u soo jeediyay Gudoomiye Cirro oo uu ku tilmaamay nin bilaa mabda’ah oo aan lahayn hadaf iyo Siyaasad cad oo uu ku hogaamiyo Xisbiga,Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inuu Xisbigaasi ka go’ay Garab kale oo uu ka mid yahay oo la magac baxay INDHEER GARAD, kaasi oo uu sheegay inay isku urursadeen masuuliyiin badan oo Xisbigaasi iska casilay oo Gudaha dalka iyo dibadiisa jooga,isagoo sheegay inuu ka mid ahaa Masuuliyiintii Xisbigaasi wakhtiga dheer soo galiyay ee ku hungoobay.
Siyaasi Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Oo ka mid ahaa Aas aasayaashii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Xilal Badan ka soo qabtay ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay Tv-Qaranka Somaliland isagoo ku sugan Magaalada Sheffield ee Carriga Ingiriiska, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Xisbiga WADDANI si buuxda ayaan uga baxay,Waxaan ka mid ahaa Aasaasayaashii,Waxaan ka soo qabtay Laba xil,Markii hore Waxaan ahaa Xidhiidhiyaha Yurub iyo North America imikana waxaan ahaa Xoghayaha Waaxda Samafalka iyo Daryeelka Naafada,Ujeedooyinka aan uga baxay,Kolay Xisbigani Waa Xisbi Mucaarid ah,waxaana aanu juhdiga iyo Hawsha u galinay inaanu samayno isbadel togan oo ka dhaca wadanka,oo ka qayb qaata Dib udhiska qarankani u baahan yahay,Muddo dheer ka dib inbadan oo ka mid ah bahweynta Xisbiga WADDANI gaar ahaan kaadiriyiintii aasaasay Xisbiga Waxaa saameeyay niyad jab wayn,oo kaga yimid Siyaasada Habacsan ee aan ujeedada lahayn,ee ay runtii caadaysteen Madaxda Xisbiga,Gaar ahaan Gudoomiye Cirro,Runtii ujeedo la’aantaasi waxay shaki wayn galisay,Taageerayaashii Xisbiga,dhawr jeer ayaa la isku dayay in Arinta gudaha lagu saxo,sidaa darteedna dibada ayay soo baxday Arintaasi,ugu dambayntii waa lagu fashilmay”.
Waxa kale oo uu yidhi isagoo ka hadlay Iscasilaadiisa“Waxa runtii aasaasmay imika oo igu weheliya hawshan Garab dhan oo ka mid ah Xisbiga WADDANI,oo kala jooga daafaha Caalamka,oo magaciisa la yidhaahdo Garabka INDHEER GARAD,ee Isbadel doonka Xisbiga WADDANI,Aniga imika si ku meel gaadh ah Gudoomiye la iigu doontay,oo qaab dhismeedkii garabkaasi u baahnaa qaatay oo samaystay,in badan oo ka mid ahina waxa ay joogaan gudihii dalka iyo dibadiisaba,Markaa wada tashi ayaa soconaya sidii arintaasi la iskugu duba ridi lahaa,Waxaana laga yaabaa haddii Alle yidhaah ayaamaha soo socda inaan wadankii u ambabaxo,oo aan u tago Xubnihii gudaha joogay oo wadatashigaasi aan halkaasi u tago,Islamarkaana dib ayaan idiinka sheegi doonaa Haddii Alle ka dhigo,halka aanu shanshada dhigno ee aanu soo fadhiisano” ayuu yidhi masuulkani.