|

SOOL: Samo-faleyaal Baco Dhulka Loo Qoday Biyo Ugu Shubay Xayawaanka Duur-joogta Ah Ee Abaarta Ku Keliyeystay

Oog 14. April 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo ay socdaan Dedaalo loogu Gurmanayo Dadka iyo Duunyada ay Abaaruhu saameeyeen, ayaa dhinaca kalena waxa la iloobay Xayawaanka Duur-joogta ah, sida Ugaadha iyo Xayawaanka kale ee Dugaaggu ka mid yahay.

Sakaarrada, Deerada iyo Gorayadu waa qayb ka mid ah Ugaadha ay Dadku Hilbahooda Cunaan, waxaana Wakhtigii hore Dadka iyo Xayawaankaa Ugaadha ah Aragti ayaa ka dhaxaysay, oo marka ay Dadka arkaan way ka Carari jireen, laakiin wakhtigan malaha Awood ay ku cararaan.

Marka aad tagto dhulka kaynta ah waxaad arkaysaa iyagoo la fadhiya Harraad iyo Gaajo, maaddaama oo aanu dhulku lahayn Baad iyo Biyo midna, balse Samo-faleyaal iskaashanaya oo ay ka mid yihiin Ururka Ardayda Jaamacadda PSU (oo ku taalla Puntland), Ururka Haweenka Gol-nugaal iyo Maamulka Degmada Boocame, ayaa booqday Dooxooyinka ku dhow Degmada Boocame oo ay ku nool yihiin Duur-joog faro badan, waxayna Biyo ugu shubeen Baco Dhulka lagu aasay, Biyahaas oo loogu talo-galay inay Xayawaankaasi cabbaan.

“Dhammaantayo waxaanu u soconaa inaanu Deegaanka Ilaalino, inaanu Duur-joogta ilaalino, Ugaadha ayaanu waraabinaynaa” ayuu yidhi Masuul ka mid ah Xubnaha Samo-faleyaasha ah oo Warbaahinta la hadlay. Waxaanu intaa ku daray “Dadka waxaan leeyahay waa in Deegaanka la ilaaliyaa, waa in Xaalufka laga ilaaliyaa.”

Xayawaanka Doofaarka oo Dadka qaarkood aaminsan yihiin inuu yahay Xayawaan aan mudnayn in Naxariis loo muujiyo, ayaan Abaartu sababtay inuu Dadka weheshado oo ay Waraabinayaan sida uu sheegayo Weriye Maxamuud Soofaysane oo la socday Samo-faleyaasha Xayawaanka, “Waxaan idhahayga saaray Carruur yaryar oo Doofaar Gacmahooda ku waraabinaya.” Ayuu yidhi Weriyuhu.

Harraadka iyo Gaajada ka dhashay Abaarta ka jirta Dalka, ayaa Walaalaysay Xayawaan aan Dabeecad iyo Daaq wadayaan hore u ahayn, sida Doofaarka iyo Adhiga, waxaana la arkay Doofaar iyo Adhi Dhulka wada daaqaya.

Qof kasta oo Muslim ayay Masuuliyadi ka saaran tahay Xayawaanka Duur-joogta ah.

Comments are closed