|

Aqoonyahano Yuhuud Ah Oo God Ka Qoday Dhabarka Masjidka Barakaysan ee Al Aqsa & Xaalad uu la Kulmay !

Al Aqsa 14. April 2017 (SDN/QJ):- Aqoonyahano ka tirsan Machadka Aataarta taariikhiga ah ee hoos taga Jaamacadda Bar-Ilan ee Isra’il ayaa ka helay Far qof god ay ka qodeen dhabarka Masaajidka Barakaysan ee Masjid Al-aqsa.

Wargeys ka soo baxa dalka Isra’il oo la yidhaa Yisrael Hume oo Wargeyska Himilo soo xigtay ayaa sheegay in aan markii hore la xaqiijin inay fartani tahay mid ka soo hadhay Dadkii farraaciyiinta ahaa ee ku noolaan jiray Dalka Masar iyo in kale, balse markii baadhitaano badan la sameeyay kadib la ogaaday in fartani ay asal ahaan ka soo jeedo Casrigii Farraacinadii ku noolaan jiray Dalka Masar, ma aha markii ugu horraysay ee halkaasi laga helo xubno ka mid ah xubnihii Dadkii hore ee halkaasi ku noolaan jiray, laakiin sanadkii 1999kii ayaa waxay Hay’ada Islamic Endowment Authority ka heshay halkaasi Far badhkeed oo la filayo inay tahay qaybtii kale fartan haatan la helay.

Gabriel Baraki oo isagu ah madaxa Hawlaha baadhitaanka u qaabilsan Mandiqadaasi ayaa waxa uu yidhi “Dhammaan baadhitaanada iyo cadaymaha aan samaynay waxay xaqiijinayaan in fartaasi tahay far qof Masri ah”.

Comments are closed