|

Hargaysa:Ciidamada Booliska oo Awood u Adeegsaday Ganacsatadii Meheradahooda Albaabada u Laabay ee Suuqa Waaheen+Amarka ay Ku Soo Roggeen iyo Suuqii Waaheen oo Dib u Furmay SAWIRO

Hargaysa 13. April 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa awood u adeegsaday ganacasataddii suuqa Waaheen ee cabashada ka muujinaayey sicir-bararka iyo weli ba kor u kaca sarifka lacagaha qalaad, waxaana la arkaayey iyaga oo ciidamadu ay ganacatadda ku amrayaan in ay khasab ku furaan meheraddahooda ganacsi oo ay saaka albaabada u laabeen sicir-bararka awgii.

Ciidamada oo meheradaha ganacsi ee suuqa Waaheen ee Hargeysa mid mid u hor istaagayey, ayey wararku noo xaqiijiyeen in ay ganacasataddii meheradahaas lahayd ay ugu hanjabayeen haddii aanay furin meheradahooda in ay gebi ahaan ba la wareegi doonaan suuqa Waaheen isla mar ahaantaana ay ciddii ka soo horjeesata ku xukumi doonaan amar diido.

Suuqa ganacsiga ee Waaheen, ayaa ka dib muddo saacado ah hada dib u furmay marka laga yimaado meheradaha iibiya raashinka ee loo yaqaano Bakhaarada oo iyagu aan dhag jalaq u siinin amarkaasi isla mar ahaantaana sheegay in aanay garaneyn sabab ay u furaan meheradahaasi, waxaana wakhti xaadirkan si caadi ah  u socda meheradaha dhanka bacadlaha ee suuqa Waaheen oo wax kala iibsigii iyo weli ba sida oo kale dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqaasi uu dib u furmay.

Amarkan la soo siiyey ciidamada Booliska Somaliland ee ay ku amreen in dib loo furo meheradahii ganacsi ee suuqaasi, ayaa ah mid aan wax saameyn ah oo isbedel ku keenin xaaladdii sicir-barar iyo weli ba kor u kacii sarifka lacagaha qalaad, waxaana weli halkii taagan sicir-bararkii iyo kor u kacii sarifka lacagaha ee ay cabashada ka muujinaayeen ganacsataddaasi.

Dhanka kale, xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Ganacsiga, Baanka dhaxe iyo hay’adaha kale ee la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha, ayaan illaa hadda qaadin wax tallaabo ah oo lagu dejinaayo sicir-bararka iyo kor u kaca sarifka lacagaha qalaad, waxaana ay nolosha shacabka Somaliland ay u muuqataa mid mareysa meel aad u daran oo saameyn xooggan ku yeelatay heerkoodii nololeed iyada oo intaas oodhan na ay u sii weheliyaan abaaro ka jira dalka iyo weli ba sida oo kale hakadkii ku yimi dhoofkii xoolaha oo ah laf dhabartii dhaqaale ee dalka.

Shacabka Somaliland, ayaa saaka niyad jab xooggan ka muujinaayey xukuumadda Somaliland iyaga oo ku dhaliilaayey in mudadii talada dalka uu hayey Xisbiga KULMIYE ay ka dhaxleen dhibbaatooyin saameyn xooggan ku yeeshay heerkoodii nololeed oo sicir-bararku kow ka yahay iyo weli ba daryeelid la’aanta Xukuumadda ee shacabkeeda dhibbaateysan.

Comments are closed