|

Mudaharaad ay Burco Ka Dhigeen Arday Gadoodsan oo Ka Soo Horjeeda Go’aankii Wasaaradda Waxbarashadu ay Ruqsadda Kaga la Noqotay Jaamacadda Togdheer University DAAWO

Burco 12. April 2017 (SDN/QJ):- Mudaharaad aad u xoogan ayaa ardey wax ka barata magaalada Burco ay sameeyaan.

Mudaharaadkan ayaa saaka ka dhacay gudaha magaaladdaasi iyada oo ardey gadoodsan oo aad u tira badan isla mar ahaantaana ka xanaaqsan ruqsaddii laga la noqday jaamacadda Togdheer University ee magaalada Burco, waxa ay socod lug ah ku soo dhex mareen badhtamaha suuqa weyn ee magaalada Burco iyaga oo si ta boodhadh sida oo kale na ku dhawaaqayey hadalo ay kaga soo horjeedaan go’aankaas ay wasaaradda Waxbarashada Somaliland ruqsaddii kaga la noqotay jaamacadda Togdheer University.

Ardeydan mudaharaadeysay, ayaa ugu dambeyntii ku soo ururay xarunta gobalka Togdheer ee wasaaradda Waxbarashada iyaga oo sheegay in aanay marnaba aqbali doonin go’aankii ay qaadatay wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaana ay si gaara wasiirka Waxbarashada ay ugu eedeeyeen in uu burburinaayo mustaqbalkooda waxbarasho.

Comments are closed